Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka WADDANI oo Baaq Nabadeed U Diray Laba Beelood oo Khilaaf Soo Kala Dhex-galay

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa baaq-nabadeed u diray laba beelood oo dhawaan shishaaqo ku dhex martay deegaanka deegaanka Darar-weyne ee gobolka Sanaag.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee xisbiga WADDANI ayaa u dhignaa sidan:

 “Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa baaq nabaddeed u diraaya laba beelood oo walaalo ah oo maalmahii ugu dambeeyey dirir ku dhex-maraysay deegaanka Darar-weyne ee degmada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobalka Sanaag.

gudoomiye_cirro

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ugu baaqayaa labadaa beelood ee walaalaha ah in ay joojiyaan dirirta colaada, maadaama dagaal wiil ku dhinta mooyee aanu wiil ku dhalan sida oo kale na ay u hoggaansamaan wax-garadka, cuqaasha iyo sulaadiinta ka shaqeynaaya dejinta xiisaddaas colaadeed, horseedna ay u noqdaan wada-noolaashiyo iyo nabad waarta oo dhex-marta.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyn uu ugu baaqay xukuumadda iyo golaha Guurtida Somaliland in ay si deg-dag ah uga gurmato deminta colaadaas isla mar ahaantaana loogga shaqeyn lahaa wada-jirka, wada-nolaashiyaha iyo nabadda labadaas beelood ee walaalaha ah”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.