Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Gobolka Saraar

Caynaba –  (warsoor) – Shacabka ku dhaqan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ee Somaliland, ayaa xaqiiyey taageerada ay u hayaan xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo taariikhda u dhaxaysa xisbiga.

Isu-soo-bax ballaadhan oo dadweynaha ku dhaqan magaalada Caynaba sameeyeen maanta ayey soo dhawayn iyo qaabilaad ugu sameeyeen wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo safar qayb ah wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha u jooga gobollada Sool iyo Saraar oo ay si rasmi ah uga furmi doonaan sanaaduuqdoodu berri subax.

DSC_0039 (28)

Soo dhawayn ay ka qaybgaleen boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay jidadka magaalada Caynaba oo lulayey calamada Qaranka Jamhuuriyadda iyo midka xisbiga KULMIYE, isla markaana ku dhawaaqayey erayo ay ku taageerayaan Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi, ayaa markii dambe isugu tagay Fagaaraha Khayriyada ee badhtamaha magaalada, halkaas oo Halkaas oo masuuliyiinta iyo madaxda heer gobol iyo degmo kala hadleen.

Cuqaasha, odayaasha, waxgaradka, aqooyahanka, haweenka iyo dhallinyarada reer Caynaba oo hadallo ka jeediyey Fagaaraha Khayradda ee loogu xafladeeyey soo dhawaynta weftiga xisbal-xaakimka Somaliland, ayaa dhammaantood iska dabamaray taageerada deegaanku u hayo xisbiga iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynaha oo ay ku tilmaameen nin abaal fara badan ku leh dalka iyo dadkaba, isla markaana ah qofka u mudan maanta ee lagu aamini karo taladiisa.

Cuqaasha madasha ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Maxamed Daroor, Caaqil Cali Buraale, Caaqil Kaariye iyo qaar kale, waxay ka warrameen taariikhda iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya xisbiga KULMIYE iyo dadweynaha deegaannada Gobolka Saraar.

DSC_0039 (32)

Guddoomiyaha Gobolka Saraar Md. Cali Maxamed Faarax, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xasan (Caga-yare) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, kuwaas oo dhammaantood u jooga Gobolka Saraar hawlaha dardargelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha, ayaa iyaguna ku bogadiyey bulshada reer Caynaba sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga KULMIYE, waxaanay u tibaaxeen waxqabadka iyo guulaha xukuumadda xisbigu ka samaysay guud ahaan dalka, gaar ahaana Gobolka Saraar, sidaasi darteedna loo baahan yahay in shacabku ku qiimeeyo waxtarkaasi doorashooyinka soo socda.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey Caynaba, waxaanay kula dardaarmeen guud ahaan dadweynaha Gobolka Saraar in aanay u kala hadhin ka qaybgalka diiwaangelinta.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dareen farxadeed ka bixiyey qaabilaadda iyo taageerada uu kala reer Caynaba, taas oo uu ku macneeyey gobonimo iyo jacayl lagu yaqaan oo dhexyaal iyaga iyo xisbigiisa.

“Xisbiga KULMIYE bulshaynta Bari iyo Galbeedba waa xisbiga midnimada Somaliland, weliba waxa uu xisbiyada kale dheeryahay waa xisbiga mideeyey Mujaahidiintii, Daraawiishtii iyo Cawaale Bustaale oo mid waliba dhankiisa mujaahid u ahaa, saddexdaasi waa ka Somaliland iyo dastuurkeennu ku dhisanyahay, waa ka aynu ku nahay xisbiga KULMIYE iyo bulshayntiisa oo iskaashaday,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu wax ka tilmaamay ballanqaadyada uu ku dhaqmi doono haddii loo doorto talada dalka, waxaannu yidhi, “Aniga waxa la iga qorayaa markaynu doorashada ku soo baxno haddii Alle yidhaa oo aan ku dhaqmayaa barmaamijka xisbiga, sidii uu ugu dhaqmay Axmed Siilaanyo barmaamijkii lagu doortay, haddana barmaamijkii dib baa loo habeeyey oo wixii innaga horreeyey ee hawlo ahaa waa la saxay, waxa kaloo aan ballanqaadayaa in aynu dadka talo-wadaag yeelanno KULMIYE oo dhan, in dalka bari iyo galbeed si caddaalad ah oo siman looga shaqeeyo oo cid walba xuquuqdeeda la siiyo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.