Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Degmada Oog ee Gobolka Saraar

Oog – (warsoor) – Dadweynaha ku dhaqan degmada Oog ee Gobolka Saraar, ayaa is buuxda u muujiyey taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, kadib markii si layaab leh u soo dhaweeyeen wefti uu hoggaaminayo Guddoominayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta wacyigelinta diiwaangelinta ku jooga Gobollada Sool iyo Saraar.

soo dhawaynta OOG (13)

Weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ka qaybgalay daah-furka diiwaangelinta ee Gobolka Sool oo loogu xafladeeyey maanta magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa isla galinkii dambe booqasho ku tagay degmada Oog ee Gobolka Saraar, halkaas oo shacabka ku dhaqan ay kulmeen soo dhawayn aanay u kala hadhin qaybaha kala duwan ee bulshadu, kuwaas oo kaga hortagay duleedka Koonfureed ee magaalada, kadibna socod lug ah ku galbiyey ilaa la isugu tagay goob fagaare si qurux badan loogu diyaariyey oo madaxda xisbigu khudbado uga jeediyeen dadweynaha qaabilay.

Madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo aqoonyahanka degmada Oog oo hadallo ka jeediyey madasha lagu qaabilay madaxda xisbiga KULMIYE, ayaa si farxad leh u soo dhaweeyey weftiga, iyagoo isku raacay in bulshada kala duwan ee ku dhaqan degmada Oog iyagoo aanay haybi midayn ay isku raacansan yihiin taageerada xisbiga KULMIYE oo ay ku majeerteen waxqabadka ballaadhan ee uu ka hirgaliyey dalka intii uu xukunka hayey.

Madaxdhaqameedka halkaasi ka hadlay oo ay ka mid yihiin cuqaasha ugu da’da wayn degmadaasi sida Caaqil Maxamed Diiriye, Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed iyo Caaqil Yuusuf Cali Jibriil waxay si cad u sheegeen inay garab-taagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynahaba Md. Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Saleebaan Cali Cawad (Bukhaari) iyo Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo labadooda ka mid ah Golaha Wakiillada, lagana soo doortay degmada degmada Oog, ayaa uga mahadceliyey shacabka degmadaasi soo dhawaynta diirran ee u sameeyeen hoggaanka xisbiga.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Saraar Md. Cali Maxamed Faarax iyo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa iyaguna farxad kaga dareen-celiyey taageerada iyo qalbi-furnaanta reer Oog ku garab-istaageen xisbiga. Waxa kaloo ay uga warrameen ujeeddada safarka weftiga KULMIYE oo ay u sheegeen inay tahay dardargelinta wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, waxaanay kula dardaarmeen in aanay u kala hadhin sidii ay isku diiwaangelin lahaayeen.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna si wayn uga mahadceliyey soo dhawaynta ballaadhan ee reer Oog u sameeyeen iyo guud ahaan taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbiga.

“Diiwaangelin baynu u soconnaa oo cod baynu bixinaynaa, haddaba maxaynu codka ka rabnaa? Codka waxaynu ka rabnaa in dadku walaaloobo oo ka jooga Boorama, ka jooga Oog, ka jooga Taleex iyo ka Saylac ay isk xisbi noqdaan oo ay wax wada yeeshaan, wax wadaqabsadaan, waxna wada dhistaan. Xisbiga KULMIYE intii uu jiray dad badan badan oo aan is aqoon oo daafaha ku kala nool ayaa ku midoobay oo ku walaaloobay, kadibna codkoodii iyo awoodoodii ayey muujiyeen oo xukunkii bay qabteen, dabadeedna odaygeennii xisbiga aasaasay ayaa waddo wanaagsan waxqabad keentay inoo jeexay, innagana waxa uu ina faray in aynu wixii uu qabtay halkaa ka sii wadno oo taariikhda iyo waxqabadka xisbiga sii wadno, innaga oo isku dhan taynu codka u bixinaynaa waa taa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.