Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Magacaabay Gudoomiye Ku-xigeenkii Labaad ee Xisbiga Soona Buuxiyey Xubnihii Ka Banaanaa Golaha Fulinta

Hargeysa – (warsoor) – Wareegto gudoomiye oo maanta oo Arbaca ahayd uu soo saaray gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay xubnihii ka banaanaa golaha fulinta ee xisbiga iyo gudoomiye ku-xigeenkii labaad.

Warageetadadan oo uu ku saxeexan yahay gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa u dhignayd sidan:

“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kadib markuu arkay xilalka bannaannaaday ee guddoomiye-ku-xigeennimo iyo Guddida Fulinta ee lagu ansixiyey Shirweynihii 3-aad ee xisbiga.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey xubnaha Hoggaanka Xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markuu arkay muhiimada buuxinta xilalkaa bannaani u leeyihiin waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, si aannu xawligoodu isu dhimin, waxa uu go’aamiyey:

  • In Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka labaad (2-aad) ee xisbiga KULMIYE. 
  • In Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) – ahna sidoo kale Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah. 
  • In Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah. 
  • In Xildh. Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.
  • In Yuusuf Cismaan Faarah – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah. 
  • In Aniisa Nuur Cigaal – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, ay ahaato xubin Guddida Fulinta ah. 
  • In Maxamuud Axmed Ibraahim (Sandheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

Dhammaan masuuliyiinta xilalka kor ku xusan loo magacaabay waxa lagu ansixin doonaa shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya. Xil gudasho wacan.”

Jagooyinka la magacaabay ayaa ah kuwii ay ka baxeen masuuliyiintii iskugu jiray wasiiradda iyo xildhibaanada ee ka gooystay xukumadda Axmed Siilaanyo xiligii ay dhawayd shirweynihii xisbiga ee lagu doortay mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.