Gudoomiyaha SOLJA Oo london Kaga Qayb Gelay Shir Caalamiya oo Saxaafada ah

ISTANBUL – (warsoor) – Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” ayaa ingiriiska kaga qayb gelaya shir caalamiya oo ku saabsan Saxaafada oo hal ku dhig looga dhigay   Defend Media Freedom.

Shirkaasi oo maanta ka furmay magaaladda London dalka Britain,  ayaa waxaa ka soo qayb galay 1500 qof oo ka kala socday 100 wadan, waxa ka soo qayb galay lix wasiir, masuuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay, ururada bulshada rayidka ah iyo Dublamasiyiin ka socday safaaradaha ku sugan UK.

Wasiiru dawlaha dawlaha horumatinta caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Harriet Baldwin oo ka hadashay ayaa shergtay dawladda ingiriisku inay shan iyo toban milyan oo dollsr u qoondaysay sanadkan horimarinta saxaafadda.

Waxa kale oo ay sheegtay qabsoomida shirkan balaadhan inay ku bixiyeen afar milyan, lacago kalena ay dalal gaar ah u qoondeeyeen sanadkan, si looga shaqeeyo bad qabka suxufiyiinta Caalamka.

Wasiirka Arrimaha dibeda dalka Canada oo qayb ka ah qabsoomida shirkan ayaa ka sheegay in loo baahan yahay warbaahinta in loo tixgaliyo inay yihiin muraayada la isku saxo, waxaanu siyaasiyiinta ugu baaqay inay ilaaliyaan bad qabka suxufiyiinta haddio kale dilka saxafiyiintu uu noqon doona mid jidka u jeexa in siyaasiyiintana la laayo

Suxufiyiinta shirka ka soo qayb gashay ayaa soo bandhigay tacadiyadii ugu xumaa ee lagula kacay suxufiyiinta, waxaanay qaramada midoobay iyo midawga yurub ka codsadeen in xidhiidhka loo jaro isla markaana cunaqabatayn lagu soo rogo dalalkaasi.

Doodo kala duwan bay isku waydaarsadeen wariyayaasha iyo siyaasiyiintii shirka ka soo wayb gashay, waxaana lagu falanqeeyay caqabadaha ka jira dhinaca shuruucda saxaafadda, gaar ahaan dacwadaha saxaafadda ka soo horjeeda.

Garsoorka, xeer ilaaliyayaasha iyo Booliiska ayaa loo soo jeediyay baaqyo kala duwan, waxaanay suxufiyiintu culayska saareen in xogo dhab ah iyo baadhitaano dheeraad ah lagu sameeyo dilalkii loo gaystay suxufiyiin kala duwan oo daafaha dunida lagu khaarajiyey Shirkan oo laba cisho socon doona waxa lagaga hadli doonaa horumarinta saxaafadda, faa’iidada iyo waxyeelada electronic media aha iyo sidii loo joojin lahaa gacan ka hadalka suxufiyiinta.

Dhinaca kale waa markii u horaysay oo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA cid metelaysaa ay ka qayb gasho Shir noocana,Iyadoo loo arko  ka qayb galka SOLJA ee shirkan Defend Media Freedom mid guul u ah ururka iyo bahda saxaafadda Somaliland, isla markaana u fududayn doona in ay xidhiidho iyo aragti wadaag la yeelato hay’adda iyo ururro caalamiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.