Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Maanso Kaga Dareen Celiyey Xaalada Abwaan Hadraawi Ku Sugan Yahay

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Md.Maxamed Shukri Jaamac ayaa maanso kaga dareen celiyey dayaca iyo daranyada laga soo tebiyey Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, oo dhawaan walalkii Hure Walanwal Warbaahinta kusoo banydhigay xaaladiisa caafimaad.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo arintaas ka hadlaaya ayaa waxa uu kaga dareen celiyey qoraalkan kooban iyo maansada la socota oo uu kaga waramay arimo badan oo xaalada Abwaanka iyo dhaxalka uu ummadda Af-soomaaliga ku hadasha uga tagay waxaanu yidhi sidan:-

HADRAAWI !!!

Waxaa dhawaan warbaahinta kasoo muuqday Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) walaalkii Abwaan Hurre oo reer Somaliland ogeysiinaya in Abwaan Hadraawi xaaladiisii caafimaad kasii dareyso, wax ka qabashadeeduna dhaaftay awoodii qoyska.

Waxaan isweydiiyey sidey daw ku noqon kartaa in Abwaan Hadraawi xaaladiisu gaadho warbaahinta?

Miyaaney dhaliil weyn ahayn?

Maansadan soo socota waxay umada afka Soomaaliga ku hadasha xasuusineysaa, waxa Abwaan Hadraawi u taagan yahay iyo iney weji gabax ku tahay in culeyskiisu saaran yahay qoyskiisa.

MADHAX BUU KA TAGAY RUNA!!!!! 

Hadii maanso iyo gabay

Maamuus ku xidhan yahay,

Hadii mawqif raganimo 

Milge iyo xus leeyahay,

Hadii miiganaan iyo

Mayal adagi door yahay,

Hadii meeris iyo dood 

Madal lagala sarakaco,

Keligii ismahadshiyo

Maroor uu ka diig yahay,

Musxul iyo gabood li’i

Mildhaw iyo cabsi la’aan

Lagu muujo dawgiyo 

Sida marinku uu yahay

Manno beeninteediyo

Is magaabshe lagu duro,

Allaylehe mugbuu yidhi 

Mug la mahadsbeybuu yidhi,

Mahadhooyin kala daran

Masalooyin dhaxal gala 

Madhaxbuu ka tegey runa 

Inta magaca soomaal 

Jiro loo masalo tago.

Maskax caabuq galay iyo

Maan hinaase dhego tirey,

Mabda’ kale nin haystiyo 

Masuug waa halkoodee,

Mahwi laysu soo baxay 

Meegaar cidhiidhyoon 

Mudaniyo marwiyo doob 

Madaw iyo cadaan iyo 

Muslin iyo wasani iyo 

Mastar kiristan joogtaan,

In markhaati loo furey 

Inuu Maxamed gudashada 

Maareynta hawlaha 

Malko looga baahnaa 

Miciin uu ka tari karo

Maalmii qadhaadhaa 

Masalooyinkii dhacay 

Meelcad uu ka taagnaa. 

Hadii Maydal dheelmado 

Mawlihiisu oofsado

Anigoon macbuudkay 

Midhka uu sireystiyo 

Maamulkiisa la ogeyn 

Waxa loo maleeyaa 

Maasha’e ferdawsiyo 

Meel aaney eegmiyo 

Milicsiga il bogatiyo 

Maqal aanu sugahayn

Mush-mushaaxi doonoo 

Maali doono naxariis.

Hadal waa magawgiyo

Mudka iyo amaankiyo 

Midh horaadka qaadoo 

Iska meeri dhiilkee,

Balse mudanayaashoow

Madaxyahay xujeysani 

Waayahay nin magac iyo 

Maal lagu majeertoow,

Hadhaw maalintuu baxo 

Dunidaba ka madax gado

Miciinkiinu hadur iyo 

Micno li’i kusoo dhaco,

Meyd u ooyidiisiyo 

Muuqaal lasoo tubo 

Meeshay tacsidu taal,

I arkaay maqlaay iyo

Iska maararow iyo 

Adna madaxa soo geli,

Murugo aan qalbiga jirin 

War munaafaq weeyoo 

Macno keenimeysee,

Maahir waxa u dheregsi ah

Maankiisu jecel yahay 

Masalaha dushiisiyo 

Maqaamkuu ku talaxgabay

Asagoo mabsuudoon 

Milgo-xumo tirsanahayn 

Mawdka uu ku sugilaa,

In la maalo dhaxalkuu 

Mudo dheer ku foognaa 

Ku muteystey maag iyo

Middi loo afeystiyo 

Mahurtada agteediyo 

Minankiisoo laga hiro,

Mood iyo dhaqmaad iyo

Mulki kaleba soo gelin,

Ku dhameystey maalmii 

Muhashadu agtiisiyo

Maqalkiisa jamatee,

Anna aan mar fiirsado 

Miridh aan agjoogsado 

Midigtiisa kaabsado 

Mashquul lagu ahaayee

Magaciisu sudhan yahay.

Maxamed Shukri Jaamac

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.