Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Madaxweynaha Uga Mahadnaqay Dhamaystirka Hanaanka Tiirka Saddexaad ee Dawladda

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahadnaqay go’aankii taariikhiga ahaa ee maamulka maxkamadda hoose uu ku hoos geeyey maxkamadda sare.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in qaybtan maxkamadda hoose dhaqaalahooda iyo maamulkooda lagu hoos geeyey ay dhamaysti doonto hanaanka saddexda tiir ee ay ka kooban tahay dawladda Somaliland.

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in hawshan lagu dhamaystiraayo garsoorka dalka ay in muddo ah soo wadeen, sidoo kalena ay ka qayb-qaateen qaybo badan oo xukuumadda iyo hay’addaha garsoorka dalka, waxaanu uga mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaystay hawshan wasaaradda cadaaladda laga soo hoos saaray arimaha garsoor iyo gunooyinkooda.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sidoo kale ay hawshani lagu dhamaystiray garsoorka dalka ay wax weyn ka tari doono dib u habaynta lagu waddo hanaanka garsoorka dalka.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee gudoomiyaha maxkamadda sare:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.