Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Masaajidka Sheekh Isaxaaq Ee Berbera

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qaban-qaabinta Xusaska iyo xafladaha diiniga ah Iyo Horumarinta Bulshada Jomciyatul Axbaab ayaa ka hadlay muran balaadhan oo todobaadyadii ugu danbeeyey ka taagnaa Masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Magaalada Berbera.

War-saxaafadeed uu soo saaray gudoomiyuhu oo uu kaga hadlaayey Arintan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

War-saxaafadeed:

Waxa aan maanta halkan ka bayaaminayaa isla markaasina kasoo jeedinayaa in sida ugu dhakhsaha badan loosoo gabagabeeyo khilaafka Masaajidkan oo runtii aanay ahaynba inuu markiisa horeba yimaado waayo masaajidkan ilaa maalintii la dhisay ilaa maanta waxa gacanta ku hayey oo hawshiisa waday Culimadeena qadiimka ah ee diinta dalka soo gaadhsiiyey ilaa Awoow-yaasheen diinta ina bari jiray ee Ehlu-sunna wal-jamaaca  kuwaas oo ilaa hada gacanta ku hayey markii Mareeye Cali Xoor Xoor bilaabay in dibu habayn lagu sameeyo.

Sidoo kale waxan halkan ka cadaynayaa in dhamaan Culimada Ehlu Dariiqadu ay mid qudha tahay, Isla markaasina Culimada Dariiqada Sh. Maxamed Rabiic ee hada gacanta ku haysay Masaajidka Sheekh Isaxaaq ee muranku ka yimid ay yihiin Culimo asalkoodu yahay Ehlu Sunna Waljamaaca oo aanu Jimciyad ahaan ku bogaadinayno sida qiimaha leh ee ay uga qaybqaataan hawlaha Diiniga ah ee Culimada Ehlu Sunna Waljamaaca Dalka ka hayso.

Hadaba waxan ku baaqayaa in sida ugu dhakhsaha badan loosoo afjaro Khilaafka arintan Masaajidka isla markaasina faragalinta laga daayo Masaajidkan hawshiisa iyo gacan ku hayntiisana loo daayo Culimada Ehlu Sunna Waljamaaca oo sidaan xusnay ilaa markii la dhisay gacanta kusoo haysay,isla markaana waa in furaha Masaajidka degdeg loogu celiyo Iimaamkii loo dhisay oo la fuliyo sidii uu ahaa balankii lagu heshiiyey markii dib u dhiska masaajidka la bilaabaayey

Sidoo kale waxan Masuuliyiinta Wasaarada Aw Qaafta iyo Dhamaan Xubnaha Xukuumada ee Arintan gacanta ku haysa u sheegayaa in ay arinta dejiyaan si aanay u keenin arimo amniga waxyeela

Sidoo kale waxan usoo jeedinayaa Culimada Dariiqada Sheekh Maxamed Rabiic ee gacanta ku haysay Masaajidkan mudada in ay dhankooda nabada iyo amniga ku dadaalaan oo ay xaalada dejiyaan

Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab

Hargeysa/Somaliland

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.