Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Munaasibadda Daah-Furka Dhigane Kaga Qayb-Galay Laascaanood

“Is-Dhex Galka Bulshada Iyo Kasbashada Quluubta Shacabku Waa Mudnaanta Xukuumada Imika” Md Sharmarke Geelle

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland, md Sharmaarke Axmed Muxumed ayaa magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood munaasibad daahfur ah kaga qaybgalay, bandhig diiwaan loogu magac daray (Af-dhaab).

Md Sharmaarke Axmed Muxumed oo ay weheliyaan la taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arimaha dhalinyaradda Cabdinajax Siyaad iyo Badi-ba Xubnaha Xarunta dhaqanka ee Oday-ka Sheekee, ayaa shalay  Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood kaga qaybgalay Munaasibadda uu ku daahfuray Buuga “DHIGANE” oo ah Buug uu qoray qoraaga Cismaan Cabdinuur Xaashi (Khaliifka), waxaana Buugan oo ay qoraaga iska leh  gacan ka siiyeen  Akaddemiyadda Oday-ka Sheekee iyo Cakaara, iyada oo Buugan uu qoraagu kaga hadlay soo saaristiisa oo ah mid ka hadlaaya xeerarka  luuqada Afka-Soomaaliga iyo macnayaasha kala duwan ee magac keliya loo isticmaalo.

Md Sharmaarke Axmed Muxumed oo hadal ka jeediyey munaasibadda furitanka Buuga Dhigane lagu Daahfuray iyada oo kalmado u badan guubaabo, tilmaam iyo dhiirigelin uu dhalinyaradii tirada badnayd u jeediyey, iyada oo uu hoosta ka xariiqay qiimaha ay leedahay in bulshadu wax qorto iyo macnaha buuran ee ku hoos duugan xidhiidhka iyo is-dhex galka bulshada

Dhanka kale, gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha Md Sharmaarke Geelle ayaa tilmaamay in uu safarkaa dheer u soo galay sidii uu uga qayb-qaadan lahaa kulanka iyo in fidinta dawladnimada iyo is-dhex galka bulshadu kamid tahay yoolka xukuumada uu ka tirsan yahay

Ugu dambayn gudoomiye Sharmaarke Geelle ayaa qoraaga buuga Alle uga baryey cilmi  iyo cimri barako le isagoona ku amaanay doorka shariifka ah ee uu ka qaatay kaydinta iyo faafinta Afka-Soomaaliga.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.