Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo La Filaayo inuu Booqdo Jowhar

Muqdisho – (warsoor) – Gudoomiyaha Baarlamaanka dawladda federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa la filayaa inuu maanta booqasho ugu ambabaxo magaaladda madaxda maamul goboleedka  Hirshabeel ee Jowhar, halkaasi oo uu goob-joog ka noqon doono doorashooyinka hogaanka maamulka.

jawaari-1

Masuuliyiinta iyo madax-dhaqameedka Hirshabeel ayaa si weyn isugu diyaarinaya qabashadda doorashadda shir gudoonka Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeel oo habeenimadii xalay la soo gabo-gabeeyey dhagaysiga barnaamijka waxqabadka saddex musharax ee u tartamaya gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeel iyo ku-xigeenkiisa.

Madax-dhaqameedka Hirshabeel ayaa si weyn isugu diyaarinaya soo dhawaynta madaxda iyo wufuudda ka soo qayb-galaya doorashadda lagu waddo maanta in la doorto gudoomiyaha iyo ku-xigeenka baarlamaanka Hirshabeel.

Maalinta Barito ayaa iyaduna la guddo galin doonaan in la dhagaysto barmaanij siyaasadeed musharaxiinta madaxweynenimadda ee maaamul goboleedka waxaana isla bari la dhamaystiri doontaa doorashadda madaxweynaha ee maamulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.