Gudoomiyaha Baarlaamanaaka JFS oo gaadhay Magaalada Baydhabo

Baydhabo – (warsoor) – Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS mudane  Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa saakay gaadhay magaalada Baydhabo ee xunta gobolka Bay halkaasi ay ka bilaabanayso  doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

jawaari-640x480

Ujeedka safarka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah labo arimood oo kala ah inuu u kuurgalo sida loogu diyaar gabooray qaban qaabada howlaha doorasho ee ka socota magaalada baydhabo iyo sidoo kale inuu ka qeyb galo doorashada aqalka hoose maadaama kurisigiisa yaalo magaalada  baydhabo xarunta kmg koofuur galbeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu gudoomiyaha baarlamaanka JFS soomaaliya uu ku soo dhaweeyo magaalada Baydhabo, waxa uuna xusay in scodaalkaan uu yahay kii labaad uu ku yimaado magaalada asigoo u kuur galaya xaalada doorashada aqalka hoose waxaan leeyahay gudoomiye ku soo dhawaw baydhabo.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa  ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay waxa uuna  sheegay in uu u kuurgali doono xaalada doorashada aqalka hoose ee ka balibaan doonta Baydhabo, dibna uu u bilaaban doono howlihiisa ku aadan inuu u tartamo kursiga baarlamaan ee uu ku leeyahay magaalada Baydahbo xarunta gobolka bay.

Maalinamada beri ah ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ay ka bilaabato doorashada aqalka hoose baarlamaanka soomaaliya iyadoona maamulka koofur galbeed laga doonayo inuu soo xulo xubno gaaraya 67 xildhibaan kuwaasi oo ka mid noqon doono baarlamaanka cusub ee soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.