Gudidda qaban qaabada maalmaha xoriyadda oo kormeeray goobaha loo diyaariyey inay ka qabsoomaan munaasabadaha xoriyadda

MUQDISHO – (WARSOOR) – Gudiga Golaha wasiirada oo qabanqaabinaya Maanasabadaha Maalmaha Xoriyada qaranka ee nagu soo wajahan ayaa kormeeray xarumaha ay ka dhici doonaan Maalmaha xoriyadda halkaas oo ay ka socoto diyaar garow adag oo lagu isugu diyaarinao Maalmaha qaranka qiimaha balaaran ugu fadhiya.

Gudigaan oo uu hoogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xakuumadda Fadraalka ah ee Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah Gudoomiayaha gudigaan qaban qaabada wada ayaa kormeerkooda ka bilaabay tiyaatarka qaranka halkaas oo kooxda hobolada waabari ay ka wadaan diyaar garowga iyo isku dubaridka hobolada fanka ee ka qeyb qaadan doono madalaha bilan ee munaasabadaha xoriyadda.

Gudigaan ayaa u sii gudbay dal jirka Dahsoon halkaas oo laga wado qurxin iyo naqshadeyn kuwaas oo loogu tala galay  dabaal daga shacabka Soomaaliyeed waxana halkaasi gudiga ku soo dhaweeyay dhalin yaro damaashaad iyo diyaar garow u joogtay daljirka ayagoo wasiirada qaar ka mid ah ay wax ka qabteen shaqadii halkaasi laga waday.

Howl ka dib ayaa gudiga kormeekiisa  ku sii gaaray taalooyinka dhagax tuur iyo sayidka oo ka mid ah goobaha ay ka dhici doonaan munaasabadaha waxa ayna shaqaalaha howsha wada kula dardaarmeen inay sii dada jiyaan shaqada maadaama fooda nagu soo hayaan Maalmaha xoriyada ee loo dabaal dagayo.