Gudida xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo doortay Guddoomiye Cusub

MUQDISHO – (WARSOOR) – xubnaha Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Heer Federal ayaa maanta kulan koodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Moqdisho, kulankan oo ka qabsoomay teendhada Afisiyoone ayey gudidu ku doorteen gudoomiye Cusub.

Kulanka waxa Soo xaadiray 21 xubnood ee uu ka kooban yahay GXKHD.

Xilka jagada Gudoomiyaha Guddiga xallinta Khilaafaadka waxa isku soo sharaxay

  1. Cabdulahi Abyan Nuur
  2. Cali axamuud Farah( Cali Zeko)

Natiijada Doorashada gudoomiyaha:

Abdulahi Abyan Nuur waxa uu helay 14 cod, halka Cali Maxamuud Faarah ( Cali Zeko) uu helay 7 cod.

Mudane Cabdulahi Abyan Nuur ayaa noqday gudoomiyaha cusub ee Guddiga xallinta Khilaafaadka ee Heer Federaal.