Gudida Wanaag Farista Oo Nabad Ugu Baaqay Beelo Dhawaan Diriri Ku Dhex Martay Gobolka Sool

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Oo Baaq Nabadeed u Diray ardaayada beelihii dhawaan dirirtu ku dhex martay degaanka Dhabar dalool ee gobolka Sool.

Xoghayaha guddida wanaagfarista Somaliland Sheekh Muxyadiin Xasan Cali iyo xubno kale oo ka mid ah guddidaas ayaa beelahaas wallaalaha ah u soo jeediyay in ay nabada ka shaqeeyaan, isla markaana wixii xurguf ah ee dhex yaalana ay ku dhamaystaan wanaag iyo wada hadal.

Ugu dambayn gudoomiyaha guud ee guddida wanaagfarista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi ayaa beelahaas ku waniyay in ay ka shaqeeyaan nabada isla markaana aanay wiiqin wada jirka bulshada ku nool degaanadaas.

Sheekh Muuse Jaamac gudoomiyaha guud ee guddida wanaagfarista Somaliland waxa kale oo uu soo jeediyay in la taageero cidkasta oo ka shaqaynaysa walaalaynta beelahaas ay dirirtu dhex martay.