Gudida siyaasada Arimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee gollaha wakiillada JSL oo Kulan La qaatay ardayda Jaamacada ka barata siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah

Hargeysa – (WARSOOR) – Gudida siyaasada Arimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee gollaha wakiillada JSL ayaa saaka Kulan Kula qaatay Xarunta Golaha ardayda Jaamacada ka barata siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Kulankan oo uu shirgudoominayay gudoomiye kuxigeenka gudida Md Maxamed Xuseen Jaamac isla markaana ay joogeen Xildhibaan Maxamed Siciid oo ka tirsan gudida iyo la-taliyaha gudida. Gudoomiye ku-xigeenka gudidda mudane Maxamed Xuseen Raamboo ayaa u sharaxay ardayda Siyaasada guud ee Somaliland guud ahaan xidhiidhada baarlamaanku sameeyey iyo guud ahaan sida ay wasaarada arimaha debeda iyo Baarlamaanku u wada shaqeeyaan iyo sida gaar ahaan gudidu u shaqayso.Markii macluumaadkaas guud ay gudidu u sharaxday ardayda gebagebadii kulanka waxay ardaydu waydiiyeen suaalo badan oo ay xubnihii gudida iyo gudoomiyuhuba ugaga jawaabeen si wanaagsan.