Guddoomiyihii Wargeyska FOORE Oo Maalintii 5aad Ku Xidhan Xarunta CID-da Iyo Damaanad Maxkamadda Gobolku Ku Sii Dayn Lahayd Oo La Hor Joogsaday

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyihii Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE Mudane Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Ibraahim ayaa maalintii 5aad sifo sharci darro ah hab qafaalasho ah ugu xabbisan Xarunta C.I.D-da Magaalada Hargeysa gaar ahaan qayb gaar ah oo lagu xidho dadka argagixisada loo haysto, isaga oo Guddoomiyuhu ku sugan xaalad xanuun ah oo la soo deristay maalmihii ugu dambeeyey walina aan sidii loogu ogolaan in cid gaar ah oo ehelkiisa ama cid kale ahi la kulmi karto.

Warqad Dammaanad ah oo ay soo amartay in lagu sii daayo dorraad Salaasadii Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Mudane Axmed Dalmar Ismaaciil ayaanay waxba ka socon oo la diiday in lagu sii daayo, taasi oo aan sharciga dalka meelna kaga qornayn, wakhti Maxkamaddu soo amartay in illaa inta laga soo dacwaynayo ee ciddii masuulkan haysataa dacwaddooda soo gudbinayso ku amartay in lagu sii daayo damaanad uu maxkamadda ka soo codsaday Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), sidaana lagu kansalay damaanaddaasi iyada oo aan la ogayn jihooyinkaa rasmiga ah ee amarkaasi sida badheedhka ah uga hor timid, balse xaqiiqadu tahay dhinaca Madaxtooyada Somaliland oo aan jeclaysan warar maalmihii ugu dambeeyey ku soo baxay wargeyska FOORE.

Guddoomiyaha FooreGuddoomiyaha Wargeyska FOORE Md. Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab oo xaalad caafimaad la soo deristay maalmihii ugu dambeeyey wakhtigana ku dhex xanuusanaya goobta uu ku xidhan yahay oo aan haba yaraatee loo ogolayn cid ku booqata ayaa maalintii 5aad sidaasi ku xidhan iyada oo aanay jirin wali dacwad rasmi ah iyo hannaan sharci oo uu ku xidhnaan karo masuulkaasi taasi oo gabi ahaanba ka hor imanaysa shuruucda qaranka oo xaaraantimaynaysa in muwaadin kasta xabsi la isaga hayn karo waaran la’aan iyo maxkamad la’aan.

Dhinaca kale xadhiga Guddoomiyaha Wargeyska FOORE waxa cambaareeyey suxufiyiinta ka hawl gasha caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo shalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xukuumadda ugu baaqay in ay si degdeg ah xorriyadiisa ugu soo celiso. Baaqyo kuwaasi la mid ah waxa maalmihii ugu dambeeyey soo saarayay Xisbiyada Qaranka, Ururrada Bulshada iyo daneeyayaasha xuquuqal insaanka gudo iyo dibadba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.