Guddoomiye Muuse Biixi oo soo Bandhigay Dariiqa kali ah ee lagu kala Maarayn karo Doorashada iyo Abaarta Taagan

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo bandhigay hannaan keliya ee lagu kala furdaamin karo xaaladda abaarta daran eek a jirta dalka iyo qabashada doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 28 March 2017.

Guddoomiyaha KULMIYE oo hadal ka jeediyey kulan lagu shaacinayey heshiis dhexmaray garabkii xisbiga UICD ee uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen iyo xisbal-xaakimka oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in xaaladda adag oo abaareed oo loo baahan yahay in gurmadkeedka gacmaha la isku qabsadaa ka jirto dalka, isla markaana loo baahan yahay in dariiq sharci loo maro xal laga gaadho qabashada doorashada ku soo beegantay xilligan adag.

Md. Muuse Biixi waxa uu meesha ka saaray inuu jiro wax heshiis muddo-kordhin ah oo ay isla gaadheen saddexda guddoomiye xisbi, waxaannu yidhi, “Dalkeena waxa ka jirta xaalad abaareed oo aad u culus, abaaruhuna waxa ay u baahanyihiin in wax loo taro dadka tabaalaysan ee uma baahna in makarofoonada laga siyaasadeeyo. Shalay (Axaddii) wixii aannu labada xisbi ka wadahadalnay baan idiin sheegayaaye labada xisbi iyagoo isku dhinac ah waxay yidhaahdeen waxaannu soo jeedinaynaa in aynu go’aan wada gaadhno oo muddo-kordhin la sameeyo, annaguna waxaannu soo jeedinay abaaraha iyo doorashada waxa laga yeelayaa waxay u baahantahay in aynu sifo sharci ah iyo talo badan u yeelano, annaguna waqti kalamaanu hadlin oo kama aannu heshiin, sharcigii halla furo oo doorashadii halla joojiyana kamaanu heshiin.”

“Rag baa yidhi waxaanu isku raacnay muddo-kordhin, laakiin taasi sax maaha ee waa been, waxaannu isku raacnay arrinta sidaynu u maaraynaa, idinkuna (mucaaradka) kuwii naga cawday ee xukunka Maxkamadda nagu gooyey baad tihiine nala gala sidii Maxkamadda arrinta looga furfuri lahaa, muddona kumaanu heshiin, waqtina kama aannu wadahadlin, laakiin axsaabta mucaaradka ah waxaannu uga baahanay inay sharciga kusoo noqdaan oo Komishanka lala tashado,” ayuu yidhi.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xisbal-xaakimka iyo xisbyada mucaaradku ku kala duwan yihiin ilaalinta sharciga, sidaasi darteedna aanay Madaxweynaha iyo xisbigiisu toona dalbadan Karin muddo-kordhin maadaama uu yaalo xukun Maxkamadda Sare hore ugu goysay maalinta la qabanayo doorashada.

Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Mucaaridka iyo xisbul-xaakimku way kala duwan yihiin, waxaynu ognahay in hore Madaxweynaha iyo xisbal-xaakimka muddo-kordhin laba sanno ah loogu sameeyey oo ay ka dhacday hawl badan iyo dacwad badan oo ay mucaaridku aad u qayliyeen ilaa la dhaafay go’aamadii sharci-dejinta ee Guurtida iyo xukuumaddaba oo maxkamadda sare go’aamisay xilliga doorashada la qabanayo, cidda eeddaas sheegtay ee dacwadaas wax gelisayna waxay ahaayeen xisbiyada mucaaridka ah, cidda la dacweeyeyna waxa uu ahaa Madaxweynaha.

Annagu waxaannu nahay xisbi iyo xukuumad lagu xukumay inaanay doorashadu dhaafin 28-ka bisha March, 2017-ka, hadduu Madaxweynuhu maalintaas qabanwaayana maxkamad baa la gaynayaa, waayo waxa uu jabinayaa xeerkii Maxkamadda Sare, haddii aannu xisbal-xaakimkii nahayna ma odhan karno maalintaas sidaas hallaga yeelo, waayo waxa naga raacaya dambi inaannu Maxkamadda Sare amarkeedii ka hor nimi.”

Murrashax Muuse Biixi waxa uu tilmaamay in duruufta taagan ay ka dheregsan yihiin Madaxweynaha, xisbiga iyo umadduba oo ay wadaan gurmadka taakulo lagu gaadhsiiyo dadka jilicsan ee abaartu saamaysay, balse loo baahan in sifo sharci ah loo maro dariiqii lagaga bixi lahaa,“Iyada oo xukunkii maxkamaddu halkaas taagan yahay, haddana Qaran ahaan maanta marxallada taagan ee doorashada waxaynu u aragnaa inay maarayn caqli ah u baahantahay, Madaxweynuhu wuu dareensanyahay, anna waan dareensanahay, KULMIYE iyo ninkasta oo caqli lihina wuu dareensan yahay, waxaynuse u baahanay sidii aynu arrintaas u maarayn lahayn oo sharcigiina u helnaa xal aynu wax ku xallino, haddiise halkii hawshaas laga geli lahaa ay noqoto kaambayn iyo cidbaa ummadda ka naxaysa iyo cid baan ka naxayn taasi masuuliyad siyaasi ah maaha ee waxa la yidhaahdaa siyaasadda makrafoonka,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Waxa uu farta ku fiiqay in go’aan-ka-gaadhista doorashadu aanay ahayn mid u yaala Madaxweynaha iyo hoggaanka axsaabta qaranka, balse Komishanka doorashooyinku ugu horreeyo cidda ay u taalo, waxaannu ,“Waxan leeyahay sida loo maaraynayo doorashada iyo abaaraha waxa loo mari doonaa sifaha sharciga ah ee maaha xaalad siyaasiyiintu goyn karto, Madaxweynuhuna ma goyn karo oo Maxkamaddii Sare ayaa lagu jaray oo markii hore ayeynu arrinta meel sare gaadhsiinay, waxaanaynu u baahanahay sidii loo beddelaa go’aankii Maxkamadda Sare inaynu hab sharci u marno, taasina waxay saamaysaa Komishanka iyo Guurtida, Madaxweynahana way ugu dambaynaysaa, waayo isagu waa shakhsiga kali ah ee haddii uu caawa yidhaahdo halla joojiyo ama halla kordhiyo uu dambi ka raacayo.”

“Waxaynu doonaynaa sharci lagu maarayn karo go’aankii Maxkamadda Sare, mid loo dhan yahay oo dhan walba laga eegay ayeynu u soconaa, dadkuna waa inay ogaadaan annaga masuuliyadda na saaran, mucaaradka xilku ma saarna, iyaga maxkamadina may xukumin, iyagaa gaal iyo Islaamba naga dacweeyey oo geeyey Maxkamadda Sare, go’aankii Maxkamadda Sarena ma qaadi karno oo anigu ma odhan karo sidaa la ha la yeelo iminka ilaa Maxkamadda Sare qiil loo helo, laakiin waxaannu diyaar u nahay oo doonaynaa in aannu maarayno arrintaa innagoo qaran ah oo aan waxba yeelin qaranimadeenna,” ayuu hadalkiisa ku gunnaanaday Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.