Guddoomiye Ku-Xigeenka Gobolka Maroodi-Jeex Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Gobolkaas

Hargeysa – (warsoor) – Badhosaab ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex ayaa ka warbixiyay  xaaladaha dhinacyada bulshada, iyo amniga  ee gobolka Maroodi Jeex.

Badhosaab ku xigeenka oo waraysi gaar ah siinaayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA  ayaa tilmaamay in guud ahaan xaaladda nabad’geliyo ee gobolka Maroodi jeex gaar ahaan caasimaddu ay fiican tahay, isagoo sheegay in guddiyada kala duwan ee amniga ee xaafadaha Hargeysa iyo degmooyinka gobolka Maroodi jeex ay kala shaqeeyaan arrimaha amniga gobolka.

Dhanka kale, badhosaab ku xigeenka gobolka Maroodi’jeex Khadar Baaruud ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Maroodi’jeex inay ka fogaadaan goobaha dooxyada iyo biyo mareennada ah, iyadoo la filaayo in roobab waaweyni ka da’aan gobolka Maroodi’jeex sida ay sheegayso waaxda saadaasha hawada ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland.

Ugu dambayntii badhasaab ku xigeenku waxa uu farriin adag u diray darawalada gaadiidka kala duwan ee iskaga goosha gudaha Somaliland oo ugu baaqay inay taxadaraan isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda waddo marista dalka si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha shilalka.