Guddoomiye Jawaari oo qaabilay wefddi uu hogaaminayo ku xigeenka xog-hayaha guud ee QM oo Muqdisho soo gaarey

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Jeffrey Feltman oo ah ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasadda.

Kulanka oo ay sidoo kale waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasuiirka dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya, waxaana looga hadlay dhameystirka dastuurka dalka iyo sidii loo de dejinta lahaa.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in shirka looga hadlay hal qodob oo ah dhameystirka geeddi socodka dastuurka, isla markaana waqti gaaban lagu sameeyo dastuurka, iyadoo lala kaashanaya qeybaha kale ee bulshada.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.