Guddoomiye Guudlaawe: “Haraadiga Al-Shabaab waa laga ciribtiraya guud ahaan Gobolka”

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka warbixiyey hawl-galo ay ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ka fuliyeen Shabeeladda Dhexe oo ay kaga sufaynayaa xarakadda Al-shabaab Gobolkaas.

Guddoomiyaha Shabeeladda Dhexe Cali Cabdilaahi Guudlaawe ayaa ku hambalyeeyey ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed hawl-galadda ay fuliyeen ciidamaddu waxaanu yidhi, “Ciidanku waxaan ku bogaadinaya talaabada ay qaadaan si loo ciribtiro haraadiga Al-Shabaab, waxaan rajaynayaa meelaha yar yar ee ay ku dhuumanayaan si ay u dhibaateeyaan dadkana in dhawaan gacanta lagu dhigo, lagana sifeeyo Al-Shabaab dhamaan Gobolka waa laga xoreynayaa UGUS iyo guud ahaan Dalka”

Guudlaawe

Guddoomiye Guudlaawe oo ka hadlay khasaaraaha Al-shabaab ka soo gaadhay hawl-galadda ay fulinayaa ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed ayaa yidhi, “Waxaan leeyahay ciidanka xoogga waxaa tihiin geesiyaal u dhintay, iyagoo qarankooda difaacaya Nabadiidku waa ay sii daciifayaan  waxaana ay ku dhimayaan wada qaldan oo aan ujeeda laheen saddex u jibaar inta Ciidanka Xoogga ka shiiday oo qaarkooda u dhinta ayaa laga dilay Al-Shabaab, waana ay jabeen Argagaxisadu”.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe Cali Cabdilaahi Guudlaawe ayaa ugu dambayntii waxaa uu dhambaal tacsi ah u diray qaran, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabta ay geeeriyoodeen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee ku dhintay dagaalkii ka dhacay degmadda Ruunirgood ee dhex maray ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed iyo xarakadda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.