Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Iibinta Kaabeyaasha Dhaqaale ee Dalka

Borama – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), ayaa si adag xukuumadda KULMIYE ugu dhaliilay iibka hantida umadda, gaar ahaan kaabeyaasha dhaqaalaha oo uu sheegay in ay Xukuumadda KULMIYE ay tahay xukuumaddii ugu horreysay ee iibisa kaabeyaasha dhaqaalaha isaga oo taa bedelkeeda tilmaamay in dalalka aduunku aanay iibin kaabeyaasha dhaqaalaha balse ay dhisaan isla mar ahaantaana ay horumariyaan si shacabku uga faa’ideystaan.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkan ka sheegay khudbad uu maanta u jeediyey boqolaal taageerayaal ah oo magaalada Boorama kaga soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana uu u sheegay reer Boorama in dalka ka xoreynayaan Xisbiga KULMIYE isaga oo sida oo kale ifiyey in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii dadka iyo dalka ba isku wadi lahaa isla mar ahaantaana ka shaqeyn lahaa midnimada umadda Somaliland.

Guddoomiye Cirro oo ugu horeyn la hadlaayey taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI ay u siman yihiin beelaha Somaliland isla mar ahaantaana aanay si gaara u lahayn beel gaar ahi, waxaana uu xusay in Xisbiga WADDANI ka shaqeynaayo mideynta shacabka Somaliland.

“Aniga iyo weftiga ballaadhan ee idiin ka yimi Hargeysa ba, waxa aanu ku faraxsan nahay sida ballaadhan ee shacbigu noo soo dhaweeyeen ee mugga iyo miisaanka leh ba, waxaana aan idiin sheegayaa in aad WADDANI yiin dhabba tihiin, waxaana aan idiin sheegayaa idinka iyo shacbiga reer Somaliland ba uu yahay Xisbi loo sameeyy shacbiga reer Somaliland. Xisbiga WADDANI beel gaara uma xidhna, beesha aan ka soo jeedo ee Ismaaciil odeyga u yahay na uma xidhna, beesha Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI na uma xidhna se waxa uu ka dhaxeeyaa shacbiga reer Somaliland laakiin waxa aanu idiin ka mahad-naqeynaa in si weyn oo baaxadle aad noo taageertaan, oo aad noo taageerteen aad baan idiin ka mahad-naqeynaa, waxaana aan jeclaan lahaa in xafladdan ay ka soo horreyso xafladda beesha Bahar-carfaan oo ay ta Maxamed Case ka horreyso ayaan jeclaan lahaa iyagu na waa ay soo socdaan ee hada oggaada.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sida oo kale soo bandhigay dhowr sifo oo ay wadaagaan shacabka gobalka Awdal iyo Xisbiga WADDANI isaga oo carabka ku adkeeyey in shacabka reer Awdal ay yihiin kuwo aad u jecel nabadda, wada-jirka iyo midnimada Somaliland isla mar ahaantaana ay intaas oo idil ba kala siman yihiin oo ay isku mid ka yihiin Xisbiga WADDANI, waxaana uu yidhi:

“Walaaleyaal waxa aan idiin sheegayaa dhowr sifo oo ay wadaagaan reer Awdal, Xisbiga WADDANI waa xisbi nabaddeed, reer Awdal na waa dad nabaddeed, markaa sifadaas waynu wadaagnaa, reer Awdal waa hoygii waxbarashada ee dalka, xisbiga WADDANI waxa ugu horreeya ee uu dhiiri-gelinayaa waa aqoonta iyo waxbarashada, arrinta saddexaad na waxa weeye in Xisbiga WADDANI uu doonaayo in uu shacbiga reer Somaliland uu mideeyo, reer Awdal na waa meeshii tiirarka looggu taagay Somaliland, waana dadkii nabadeynaayey ee mideynaayey shacbiga reer Somaliland. Berigii Ingiriiskiina waxa jiray laba xisbi oo la kala odhan jiray SYL iyo USB, maanta na waanu diin wadnaa USB dii oo waa ay na la socdaan, waxaana ay ila tahay in berigaas Ingiriiska laga xoreynaayey wadanka se maanta KULMIYE ayeynu ka xoreynaynaa, waxa aan idiin sheegayaa in Doorashadii la muddeeyey, reer Awdal na in badan baan arkay iyaga oo cabanaaya oo Salaadiintu cabaneyso oo gobalku cabanaayo, markaa haddii cabashadu idinka dhab ahayd maanta fursad baynu haysanaa, fursaddaasi na waxa weeye in ciddii aad ka cabaneyseen la bedelo, waana aynu bedelaynaa, Giimbaarna wuu noqonayaa KULMIYE.”.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa uu ugu dambeyntii uu ku dhaliilay Xukuumadda in ay xaraashtay hantidii umadda iyo weli ba kaabeyaashii dhaqaalaha ee dalka, waxaana uu yidhi: “Dunida na lama arag Xukuumad iibisa kaabeyaasha dhaqaalaha oo aqalka iibisa oo dhulka iibisa oo garoonka iibisa oo dekadda iibisa lama arag dunida se waxa la arkay mid intaas ba dhista weli ba waxa ay kaga dareen balan-qaadka badan oo waxa ay yidhaahdeen Lughaya waxa aanu ka dhiseynaa dekad, dekaddii Lughaya meeday?, Dekaddii Xiis meeday?, Dekaddii Maydh meeday?, Warshadii Berberi meeday? , gurigii badhasaabka gobalka Boorama mee?, markaa sidaas ku eegan mayno ee waa in aynu xukunka ka tuurnaa.”.

Halkan ka daawo Khudbaddii gudoomiye cirro:

https://www.youtube.com/watch?v=qozO_1RHhhk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.