Guddoomiye Cirro oo Gaadhay Boorama, Shacabka Gobalkaas-na uga Mahad-celiyey Codkii ay Siiyeen

Boorama – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminaayo oo galabta socdaal ugu soo baxay gobalka Awdal, ayaa lagu soo dhaweeyey deegaanada hoos yimaada gobalkaasi ee Dila iyo Garayo-Cawl.

Murashax Cirro oo uu wehelinaayo Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbigaasi, ayaa ujeedka safarkiisa socdaal uu yahay siddii uu shacabka ku dhaqan gobalka Awdal uu uga mahad-celin lahaa codkii laxaadka weynaa ee ay siiyeen Xisbiga WADDANI iyo weli sida oo kale guushii ay ka soo hooyeen doorashadii dalka ka dhacday oo muranka iyo musuqu hadheeyey.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degmada Dila oo Murashax Cirro socdaalkiisa ka bilaabay, ayaa si weyn u muujiyey in ay ku faraxsan yihiin fariinta mahad-celinta ah ee uu soo gaadhsiiyey Murashax Cirro, waxaana ay tilmaameen in ay aad uga xun yihiin in la musuqmaasuqo codkoodii doorashada ee ay ku barbar istaageen Xisbiga WADDANI.

Suldaan Nuur Axmed Jibriil oo isagu ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda degmada Dila oo halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “Horta hawl badan baa la galay, hawshiina waa aynu ku guulaysanay ee kumeynaan khasaarin, waxaana xaqiiqa ah in runtii gobalkan aynu inagu ugu sarreynay. Halkan aynu fadhino na 1954kii baa codbixin laga galay, wax walba si caadi ah oo nadiif ah bay berigaas u dhaceen se imika wax baa sidaas loo mulaaqayaa, taas na waa laga bixi doonaa oo waynu ka guuleysan doonaa.Cabdiraxmaan Cirro na waa aynu uga mahad-celinaynaa in uu inaga dhigay halkii ugu horreysay ee uu u soo mahad-celiyo, waana kaa maanta ina dhex fadhiya.”.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenk Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isagu na halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “ Halkan aynu joognaa waa ilinka laga galo gobalka Awdal oo degmada Dila, waana meeshii muujisay codadkii ugu badnaa ee Xisbigu helay doorashadii, waxa ay tahay oo ay muujisay degmadu in ay tahay WADDANI. Runtii na tacab iyo hawl badan baana aynu galnay se waxa aan idiin sheegayaa in hawlo kale oo farsamooyin ahi dhaceen oo inagu waa aynu guulaysanay.”. Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u sheegay in keliya uu u socdo siddii uu fariin mahad-celin ah uu u gaadhsiin  lahaa taageerayaashii sida weyn ugu coddeeyey Xisbigaasi ee xaqiijiyey guushii uu Xisbigu ka gaadhay Doorashadii qabsoontay 13kii November ee sanadkii hore.

“Ujeedo keliya ayaan u imi halkan, waxa aan u imi in aan idiin ka mahad-naqo hawshii ballaadhneyd ee aynu wada-galnay oo aan idiin ka mahad-naqo dedaalkii faraha badnaa ee hablo iyo inamo ba aad gasheen, weli ba aan idiin ka mahad-naqo guushii aad soo hoyseen, waxaana aan idin lee yahay waad mahad-san tihiin. Ujeedkayagu na waxa weeye in aanu u wada mahad-celino guud ahaan gobalka Awdal. “.Ayuu yidhi Murashaxa Cirro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.