Guddoomiye Cirro Oo Farriin Adag U Diray Xukuumadda KULMIYE Iyo Laamaha Amaanka

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa labada Gole ee Baarlamaanka ku boggaadiyey go’aankii diidmada ahaa ee ay ka qateen xukunka Milateri ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku soo rogtay gobolka Sanaag, taasi oo ay labada gole ka codsatay inay u codeeyeen, balse labada gole ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen maanta cod aqlabiyad ah ku diiday dalabka Xukuumadda iyo xaalada deg deg ah ee ay ku soo rogtay Gobolka Sanaag.

Siddoo kale Guddoomiye Cirro ayaa digniin adag u diray xukuumadda iyo laamaha amniga oo uu sheegay inay waxay golayaashu diideen dhaqan-geliyaan , isagoo sidaa ku sheegay Saxaafadeed uu ku qabtay Hoyga uu ka degan yahay magaaladda Hargeysa,waxaanu haddalkiisu u dhigaan sidan “Waxaan warbaahinta u hor imi in aan Boggaadiyo Baarlamaanka Somaliland labadiisa aqalba Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada oo maanta qaatay tallaabo taariikhiya , tallaabadaas oo ah inay diideen inay ansixiyaan maanta xukunkii milateri ama xukunkii deg deg ahaa ee lagu soo rogay gobolka Sanaag, baarlamaanka waxaan ku boggaadinayaa in tallaabadaasi ay ahayd mid ay sharciyada ugu hiiliyeen mid ay shacbiga ugu hiiliyeen.”

Waxaanu intaasi ku sii daray Guddoomiye Cirro “Waxaannu shacabku xasuus-naan doonnaa tallaabadda taariikhigga ah ee aad qaadeen, waxaad u hiiliseen dhammaan shacabka reer Somaliland, waayo xukunka degdeg ahi kuma koobnaadeen gobolka Sanaag oo goboladda kale ayaa ku xigi lahaa oo Awdal baa ku xigi lahayd. Marka maanta shacabka aad la dareen noqoteen waan idinku boggaadinayaa, Waxaad u hiiliseen dhammaanba dadkii ku noola gobolka Sanaag ee degmooyinkiisa lagu soo rogayay xukunka milateri ee kala ahaa, Gar-adag, Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo.”Ayuu yidhi Cirro

Dhanka kalena Guddoomiye Cirro ayaa Xukumadda Madaxweyne Biixi uga digtay inay xukun Milateri oo aanay xaalaalayn golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu inay dul dhigto shacbiga,”Waxaannu xukuumadda uga digaynaa xukun milateri oo golayaashu xalaalayn oon sharci ahayn inay shacabka ku fuliso, waxaan kale oo shacabka reer Somaliland gobolkasta oo ay joognaa ugu baaqayna in ay ilaashaddan xasiloonidooda iyo nabadgel-yadoodda. Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaannu ugu baaqaynaa inay sharciga u hoggaansamaan inay shacabkoodda u tudhaan iyo inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo xasiloonni –darro iyo amni-darro ka dhallin karta dalka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.