Guddoomiye Cirro oo Eedahii ugu Cuslaa u Soo Jeediyey Madaxweyne Muuse iyo Madaxweynahii hore ee Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Guddomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo manta la hadlaayey warbaahinta dalka, ayaa eedahii ugu cuslaa u soo jeediye Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi iyo weli ba sida oo kale Madaxweynahii ka horreeyey Md.Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) isaga oo ku eedeeyey in ay yihin rag khiyaamay qaranka Somaliland, waxaana uu soo jeediyey in Maxkamad la horkeeno Madaxweynahii hore ee Somaliland isaga oo sida oo kale na Madaxweyne Muuse ugu baaqey in u deg-dag isku casilo.

DAAWO, Muqaalka Warkas:

 

AKHRI:- Khudbad Cajiiba oo Maanta uu Guddoomiyaha WADDANI Ka Jeediyey Arrinta Imaaraadka Isaga oo Khiyaamo Qaran Ku Eedeeyey Madaxweyne Muuse iyo Siilaanyo.

 

Beeneey waa RUN.

Runeey lagu neceb

Lagu rookee

Layska kaa reeb

Ristaad daaqdaba

Lagu raad-goob

Fule kaa roor

Ruxrux-doon iyo

Ra’iis daalin ah

Midna kuma rabo.

KULMIYE iradaha ayuu u xidhay Xuquuq Al-insaankii iyo xoriyal qawlkii. Jeelashu waa buuxaan. Way ceeryoonsan yihiin. Mid hadlay, mid Facebook ama Twiter wax ku qoray, mid Wargeys wax ku qoray, mid riyooday iyo mid aan weli loo sheegin wixii lagu maagayba xabsiga ayey liintu ku cabayaan. Waxa muuqda sansaan cabudhin iyo diktaatooriyad. Adan Carab alle naxariistii jano ha ka waraabiyee  oo ka digayey kacaankii 1969kii Somalia inqilaabka Militari ku qabsaday dawladii ka horeysayna u yiqiin cawaro waxa uu tix gaaban ku yidhi: Cawaro waa la faaleynayey iyo camaleedkiiye tan waa CAR JUUQ II DHEH IYO JEELKA KA CAYUUQ. Berigaas Adan sifaynayey  iyo maanta ma isu eeg yihiin?.

Siyaasaddu been maaha, male-awaal maaha, Shacabkaaga oo aad luggoyso  ood hagar-daameyso maaha,  danta dalkaaga iyo ta ummadaada oo aad ka saraysiiso danta shakhsiga ah  maaha, waxaa cadaatay in shacabka Somaliland Xukuumadihii KULMIYE  ee kala dambeeyey ay been iyo khiyaamo ku haasaawinayeen muddo ka badan sideed (8) sanno.

Madaxweyne hore Mujaahid Axmed Maxamed Siilaayo waa guddoomiyihii SNM ugu muddada dheeraa. Madaxweynaha Hadda Waa Mujaahid Muuse Biixi. Wasiirkiisa Arrimaha Guduhuna waa Mujaahid Maxamed Kaahin. Waxay ku doodi jireen hadana ku doodaan inay dalka cid kasta ugu lexo jeclo badan yihiin  maadaama  ay dhiigoodii u shubeen naxftoodana u hureen Somaliland. Ma dhabaa?.

Waxa xukuumaddii KULMIYE ee hore shacabka u sheegtay in ay heshiisyo la gashay dawladda ISUTUGGA IMAARADKA (UAE) ku saabsan horumarinta dekedda Berbera iyo inay siisay UAE saldhig militari. Xukuumaha KULMIYE caado ka dhigteen inay ku eedeeyaan xisbiga WADDANI inuu ka soo horjeedo maalgashiga iyo horumarka Somaliland.

Mowqifka Xisbigu wuxuu ahaa welina yahay in aanu taageerin heshiisyo  aan ummadda loo soo bandhigin oo suuq madow ah  oo in yar oo fara ku tiris ahi keliya ogtahay  oo mugdi badani  ku gadaaman yahay.

Xukuumad iyo Xisbi’ba Kulmiye waxay ku celcelin jireen, oo meel kasta iyo fagaarayaashaba kaga tiraabi jireen in Xisbiga WADDANI  Soomaaliweyn xidhiidh la’leeyahay, runtii  Xisbi ahaan waxaanu markasta u arkaynay in taasi gef iyo meel ka dhac ku ahayd wada-jirka shacbiga iyo Qaranimada Somaliland. Waxaa xisbi ahaan u  arkaynay in arrintaasi ahayd qiiq isku qarin KULMIYE samaynayey si uu shacabka indhahooda uga jeediyo falal dembiyeedyada  uu ku kacayey ee qarandumisnimada ahaa ee manta soo if baxay.

Dawladaha KULMIYE ee kala dambeeyey waxay dhegaha ka furaysteen inay ka jawaabaan ku cel-celintii Xisbiga WADDANI ee ahayd heshiisyadii aad gasheen shacbiga iyo baarlamaanka u soo bandhigaoo mugdiga ka saara.

Sida xukuumadda KULMIYE sheegtay UAE waxay gelinaysaa dekedda Berbera $400 million. Waxaan run ah haddi la qiimeeyo dekedda Berebera oo dawladda ruushku dhistay, Mareykankuna weyneeyey (extension) qiimaheeda maanta ka badan yahay $400 million.  Waxa isweydiin leh maxaynu u qaadanay 30% una bixinay 70% dekedeenii oo dhisan oo shaqeynaysa.

Maxaa kalifay in madaarka Berebera oo dhisan oo laguna  timaamay inuu yahay LONGEST RUN WAY in Africa oo aynaan qiimeyn ugu wareejino bilaash  dawladda UAE si ay uga  dhigato saldhiga MILITARI  iyada oon xukuumadaha KULMIYE CADEYN waxay ku bedesheen iyada oo weliba loogu daray dhul dhan 70 km  laba jibaaran.

Dawladda kacaanka ee Somalia waxay isticmaalka madaarkan Berbera waxay kaga kireysay dawladda Maraykan $90 million sanadkii. Waxa xukuumadii ee KULMIYE ka soo baxday hal mar in UAE saldhiga BERBERA  lagaga kireynyo $1.2 million sanadkii. Waar ma bakhaarbaa?

Waxa kale oo aanay xukuumadaha KULMIYE ka jawaabin sabatay ay Somaliland uga mid dhigeen xulafo dagaal oo aan goloyaasha sharci dejintu ansixin taas oo dalkan iyo dadkan u keeneysa  inay muteystaan colaad iyo dagaal ay war ma qabto ka yihiin.

 

Gaariye isaga oo tixdii sii wada wuxuu yidhi:

 

Ninkii kuu roon Dambi lagu raro

Ribo iyo been loo rakaabsado

Xabsi lagu rido Rasaas lagu furo

Raxantiisoo oodda loo rogo

Oo ka-reeb iyo Rajo laga dhigo

Raxanraad  iyo Rafaad kugu muday

 

Somaliland waa   dal aan la ictiraafin oon helin aqoonsi calami ah una baahan dal kasta oo dunida ka mid ah danina uguma jirto umana baahnaa inay dalna la colowdo haddii aannu isagu ina colaadin.

Sax uma aragno in Somaliland dawladaha ay  colobaan dawladda imaaraadka Somalilandna col la tahay kuwa la saaxiibka tahayna Somaliland la saaxiib tahay.  Jabuuti iyo UAE, Qatar iyo UAE, Turkey iyo UAE waxaa ka dhexeeya muran siyaasi ah , muran ganacsi ama dagaal. Waxaan u aragnaa danta Somaliland inay ku jirto in ay la saaxiibto dhammaan dalalka daneeyayaasha ka ah gobolkan iyo dalalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia iyo Somalia.

Su,aasha muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi is weydiinayey waxay ahayd  waxa Madaxweyne Silaanyo iyo Madaxweyne Muuse maxay shacbigooda iyo baarlamaankooda uga   qaraniyaan  in la soo bandhigo heshiiyada sida sheegeen la galeen dawladda imaaraadka? Cida dhabta ee saxeexday waa ayo heshiisyadan ?

Ugu dambeyn waxa shacbiga reer Somaliland lahaa xukuumadaha KULMIYOW  Ummadda u cadeeya oo keena heshiisyada dhabta ahaa xilgii aad wax qarin karayseen waa dhamaaday. Walaahi wuu dhamaaday, oo bilaahi wuu dhamaaday!!!!!

Waxaase maanta cadaatay in Kulmiye shacabiga , Calanka iyo Ciidaba khiyaamay. Sirmo qabe allaa u sahan ah.

KULMIYOW Waxay huursadaanba hadimooyinkii ay dalkan iyo dadka ka gasheen waa kuwaas oogta ka cadaaday.

Qaranimadii iyo madax banaanidii Somaliland June 1960 ayaynu la ambanay.

Mar 2aad baa Madaxweyne Siilaanyo la ambaday. Wuxuu ka tegey taariikh madow. Qarankan iyo Madax banaanidiisi wuxuu u  gaystay dhaawicii ugu xumaa, Waxaa dhacday khiyaamo qaran. Shacbigiisa, calankiisa, ciidiidsa iyo himiladii shacbigiisa  wuu khiyaameeyey. Wuxuu ku bedeshay gooni isutaagi iyo Madaxbaaninidii Somaliland dhaqaale iyo dano shakhsi.

Heshiiyada dekeda iyo saldhiga Berbera oo dawladda Federaalka Somalia saxeexday ayuu uga dhigay in xukuumadda Somaliland la gashay dawladda UAE.

Jiritaanka warkanna  waxa cadeeyey Wasiiru Dawlaha Arrimaha dibedda ee UAE Anwar Maxamed Qarqaash oo waraysi toos ah siiyey BBC laanta afka carabiga 18/4/2018 . Hadalka Dawladda Imaaraatku waa dhab. Waa dhab.

Siilanyo wuxuu  jabiyey dastuurka , wuxuu khiyaameeyey shacbigii. Wuxuu himaloodii ku riday hog madow oo ay adkaanayso in dib looga soo saaro. Wuxuu muteystay in maxkamad la hor keeno oo lagu qaado khiyaamo qaran.

Madaxweyne Muuse Biixi cabdi waxa uu qayb ka ahaa shirqoolka iyo dhagarta KULMIYE u maleegay  shacbiga Somaliland. Marka hore xog ogaal buu u ahaa khiyaamada qaran ee Madaxweyne Siilaanyo u geystay dadkiisa iyo dalkiisa. Faylkii heshiiska dawladda Federaalku saxeexday Silaanyo wuxuu ku wareejieyey Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu haystay fursad qaali ah markuu kursiga Madaxweynaha ku fadhiistay oo ahayd inuu  saxo khaladkaas  ama shacbigiisa iyo barlamaankiisa u soo soo bandhigo khiyaamada qaran ee madaxweynihii ka horeeyey sameeyey. Midna ma sameyn. Wuxuu yidhi heshiisyadii dawladda hore gashay waan fulinayaa. Kuwaas oo ay maanta cadaatay inay noqdeen heshiisyo ka dhaxeeya dawladda Federaalka Somalia iyo dawladda Imaaraadka.

Wasiiru dawlaha Imaaraadku waxa uu sheegay inaanay wax heshiis la gelin Somaliland aqoonsaneyna ee ay aqoonsan yihiin qaranimada Somalia. Wuxuu yidhi safaarad iyo qunsuliyad toona kuma lihin.

Madaxweynuhu isaga oo kitaab quraan ah ugu dhaartay inuu daacad u yahay dalkiisa iyo dadkiisa hadana wuxuu been u sheegay shacbigiisa kana qariyey in heshiiyadaas ay Somalia saxeexday.

Waxa uu u cadeeyey shacbigiisa inuu fulinayo  heshiisyadaas  UAE iyo dawladda Federaalka Somaliya wada galeen ee ay kala saxeexdeen.  Godkii Somaliland ku riday Siilaanyo ayuu isna goostay inuu ku sii hubsado oo uu camuudda ku rogo.

Su,aal : muxuuse Muuse isna  ku bedeshay inuu sidaas mujaahidku yeelo? Ma dano gaar ahbaa? Ma dano dhaqaalaa? Ma markii hore ayuu qayb ka ahaa shirqoolka oo faraa laga hayey?

Madaxweyne Muuse wuxuu jabiyey dastuurka. Wuxuu ku kacay khiyaamo qaran. Wuxuu ku kacay khiyamo qaran. Wuxuu ku kacay khiyaamo qaran. Wuxuu ku kacay high treason. Wuxuu ku kacay high treason. Wuxuu ku kacay khiyaamatal cudmaa. Wuxuu ku kacay khiyaamatal cudmaa.  Waxa u banaan   Muuse Biixi 2 arrimood oo keliya.

  1. Inuu casilo dadkana saaamaxaad weydiisto kuna dhawaaqo in la qabto doorashooyin madaxweyne oo cusub ( fresh presidential election).
  2. In lagu qaado khiyaamo qaran oo la lagu qaado maamuus ka xayuubin (impeachment).

Silaanyo iyo Muuse hadda waa mujaahidiintii? Hadda waa kuwii yidhi dhiigaan laanta   u shubnay? Waxay isku raaceen in shacbigooda been u sheegaan, indho sarcaadiyeen, dumarka ka oohiyaan, tusaan shacabka inay qaranka dhisayaan  difaacayaanna   iyaga oo og godkii ay ku rideen Somaliland ee ay ku soo  xabaaleen ee  ay faataxada ka soo dul  akhriyeen, madax banaanidii iyo qaranimadii Somaliland na  siistaan dhaqaale iyo dano shakhsi ah iyaga oo ku dadaalay inaan la ogaan oo shacbiga ka qariyaan. Taasi waxay khashifantay maanta. Runtuu qaadhaa. Maanta tolow Madaxweyne iyo Xisbiga KULMIYE u sheegi doonaa shacbiga.

 

Waxa cadaatay in Madaxweyne Daahir Riyaale labada mujaahid  uga lexo jeclo badanaa  qaranka Somaliland . Hadda mujaahid muu ahayn. Cirrona mujaahid maaha.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa booramo hadimo qodin, hadaad qodo ha dheerayn ku dhici doontaana mooyaane. Waxay xiligii ololaha doorashada Madaxtooyada KULMIYE aad ugu ololeeyey WADDANI waa Somaliweyn. Hase yeeshee, waxa maanta kashifmay SOMALIWEYNTII NIQAABNAYD ee ku dhex jirtay Somaliland  oo noqtay Xisbiga  KULMIYE.

Labadii xukuumadood ee KULMIYE ee kala dambeeyey, labada Madaxweyne ee kala dambeeyey ee KULMIYE Silaanyo iyo Muuse, waxay ogolaadeen inay Somaliya saxeedo heshiisyada dekedda iyo saldhiga Berbera gooni isutaagga iyo madax banaanida Somaliland na ku bedeshaan dhaqaale iyo dani shakhsi ah.

Waxaan u soo jeedinayaa mar labaad haddii ay Shacbiga Somaliland  in uun u hayaan wax xurmo ah inay  saaxiibkay Dr Sacad Xaaji Cali Shire Wasiirka Arrimaha iyo Wakiilka imaaraadka ee Somaliland Md Baashe Cawil maanta si aan daahis lahayn isu casilaan maadama ay injineero ka  ahaayeen  shirqoolkan iyo khiyaamadan qaran ee soo ifbaxday.

Madaxweynaha iyo weftigiisi safarkoodi ugu dambeeyey waxaa bulshada ka iibinayeen oo ay warbaahinta la soo hor taagnaayeen inay heshiisyadii dekedda iyo saldhiga militari fulinaynaan kuwaas oo Somaliland isctiraaf iyo aqoonsi u keeniin doona.  Wasiiru dawlaha imaaraadka wuxuu arrintaas jawaab uga dhigay inaan dawladiisu aqoonsanayn Somaliland.

Iyana way soo ifbixi. Walee. Heshiisyada  ay kala saxeexdeen dawladda Federaalka Somalia iyo dawladda Imaaraadku yaa Somalia u saxeexay  heshiisyadaas oo Madaxweynayaasha KULMIYE u wakiisheen ma Xasan Sheekhbaa mise Cabdirashid Cali Sharma,arkaa.

Waxaa isweydiintu tahay ma laba dawladood oo imaaraat la yidhaahdo ayaa jira oo midina Somaliland heshiis la gashay midini dawladda Federaalka Somalia heshiis kula gashay dekeda iyo saldhiga Berebera?

Waa maya ee shacbiga Somaliland ayaa KULMIYE been cad ku indho sarcaadinayaa. KULMIYE maanta hees macaan buu qaadayaa, anna waa maqlayaa idinna waa maqlaysaan: Danayso adigoo lahaa mar baad Dacar qooshataa.

Ugu Dambayn ka xisbi ahaan waxaannu u cadaynaynaa shacbiga Somaliland in madax banaanida iyo qaranimada Somaliland tahay lama taabtaan.  Waxaan   bulshada Somaliland ugu baaqayaa in iyagoo mid ah ay meel uga soo wada jeestaan Heshiisyadaasi aan xalaasha ahayn ee qarankan u soo hooyey dhaawaca iyo bahdilka aanu galabsan ee loo hadoodilay.

Waxaan ku celinayaa mawqifka xisbigu ka taagan yahay hore iyo haatanba oo ah in aanaan taageersanayn, taageerina doonin damaca danaysiga iyo khiyaanadu ku lamaan tahay ee heshiisyadaasi, wuxuuse soo dhaweynayaa heshiis kasta oo loo maray dariiq sharci oo Somaliland dal ama shirkad la gasho.

Beenta way dhamaatay. Runtii baa ino hor timi. WADDANI xilgii ololaha waxa uu balan qaaday hadduu doorashada ku guuleysto inuu dib u eegis ku sameyn doona heshiisyada dekeda iyo saldhiga Berbera maadama aan marna shacbiga iyo baarlamaanka toona loo soo bandhigin. Taas baa kaliftay in KULMIYE ku eedayo WADDANI Somaliweyn.  Hase yeeshee, WADDANI marna ka gaban mayo runta inuu sheego.  Qaranka inuu daafaco.

Gaariye isaga oo tixdii runta sii wada  wuxuu yidhii

Mase riiq-gabo

Nimaad Ruuneey

Raatubtiisa tahay

Rafiiqaaguna hadduu rubad-go,o

Adaa rimmaneey Raage kale dhala.

Raage miyaa garanaysaa? Dee hadda Raage waa WADDANI.

 

KULMIYOW AMA SHARCIGA AYAA IDIN KAXAYN AMA CUDUDA SHACBIGA AYAA IDIN KAXAYN.

Labadii Madaxweyne ee kala dambeeyey ee Xisbiga KULMIYE, Mujaahid Silaanyo iyo Mujaahid Muuse waxay shacbigooda, dalkooda iyo dadkooda kula kaceen si badheedh Khiyaamo qaran. Madaxweyne  Silaanyo waa in maxkamad la keena, Mujaahid Muusena sida hore ugu tibaaxay waxa u banaan laba doorasho oo keliyo

  • Inuu iscasilo shacbiga waydiisto saamaxaad doorashooyin cusubna ku dhawaaqo
  • In maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi iyada oo loo cuskanayo dastuurka ( Impeachment).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.