Guddoomiye Cirro oo Booqday Dad Tira Badan oo Dhaawacyo Ka Soo Gaadheen Rasaas Ku Qaraxday

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta dhakhtark weyn ee Hargeysa ku soo booqday dad tiro badan oo xili raashin looggu qeybinaayey magaalada Balli-gubadle ay dhaawacyo ka soo gaadheen rasaas ku qaraxday awgeed iyo weli ba sida oo kale dad kale oo tira badan oo xaalad caafimaad u jiifay dhakhtarkaasi.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinaayeen siyaasi Cabdi Haybe, Jamaal Xuseen Hurre, Mujaahid Iid Jiciir iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa ugu horreyn mid mid u soo booqday una soo dul istaagay dadkii xaaladda caafimaad ujiifay dhakhtarka, waxaana uu ka xaal waraystay xaalkooda caafimaad iyaga oo u sheegay in ay hada aad u fiican yihiin sida oo kale na ay ka soo reynayso xaaladdooda caafimaad, waxa kale oo halkaas dadkii kale ee iyaga na uu ku soo booqday ay dhammaantood ba u xaqiijiyeen in xaaladda caafimaad ee ay ujiifaan dhakhtarka weyn ee Hargeysa ay tahay dhaawacyo ka soo gaadhay shilal kala duwan oo gaadiid.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa isna dhankiisa waxa uu caafimaad sareecan ah uu Alle uga baryey dadkaas bukaanka ah ee uu ku soo booqday dhakhtarka weyn, isaga oo sida oo kale na warbaahinta u sheegay in uu Xukuumadda ugu baaqayo in ay wax ka qabato shilalka gaadiidka sida oo kale ay ka hawl-gasho siddii loo yarayn lahaa shilalkaasi maadaama dadka ugu tira badnaa ee uu soo booqday ay ahaayeen dad ka cabanaayey dhibbaato iyo dhaawacyo ka soo gaadhay shilal kala duwan oo gaadiid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.