Guddoomiye Cirro oo Berbera kaga Qayb galay Madal kulmisay murrashaxiinta Xisbiga Waddani ee Saaxil

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna musharraxa Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa ka qayb galay munaasibad Balaadhan oo ka qabsoontay magaalada Berbera taas oo lagu soo bandhigayay musharraxiinta Xisbiga WADDANI uga sharraxan Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil iyo goleyaasha Deegaanka degmada Berbera iyo Sheekh.

Guddoomiyaha oo hadal u jeediyay musharraxiinta iyo taageerayaashooda waxa uu ugu baaqay in ay dadaal muujiyaan si ay guul weyn uga gaadhaan tartanka doorashada una soo baxaan musharraxiinta WADDANI.

“Anigu musharraxnimada Gobolkan waayo aragnimo Ayaan u leeyahay. 2005 ayaan iska sharraxay gobolka Saaxil waxaanan noqday musharraxii ugu cod badna gobolka ee Golaha Wakiillada, hadda waxaan rajaynaya in musharrax Sucaad Carmiye noqon doonto qofka ugu cod badan gobolka Saaxil,”

ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo bulshada reer Saaxil ku boorriyay in ay codka siiyaan Sucaad Carmiye oo ah gabadha kaliya ee gobolka uga sharraxan Xisbiga, islamarkaana ah gabadh miisaan leh oo si mug leh u meteli karta gobolka iyo guud ahaan Qaranka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bulshada reer Saaxil ugu baaqay in ay cod iyo cudud taageero la barbar istaagaan musharraxiinta ay soo xuleen, sidoo kalena ay musharraxiintu noqdaan ku leh culayskii iyo mudnaantii xildhibaannadii gobolka hore uga soo bixi jiray

“ Dhammaan xildhibaannadii hore gobolkan Saaxil looga doortay waxay noqdeen dad caan ah oo waxtar leh, waxa musharraxiintan looga baahan yahay in ay noqdaan kuwo buuxiya kaalintaa muhiimka ah,”
ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.