Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Dawladda Itoobiya iyo Shacabkeeda ugu Hambalyeeyey Xuska Sannad Guurada 25aad ee 20 Gimbood

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dawladda federaalka Itoobiya sanad-guraddii 20-aad ee kaoo wareegtay xiligii dalkaasi jabhadii Gimbood ay xukunka ka tureen boqortooyaddii dhariga Itoobiya.

Gudoomiyaha Glaha Wakiiladda Somaliland oo war-saxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa ayaa war-saxaafadeedkiisa ku sheegtay sidan:

cabdiraxmaan_cirro

“Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo iyo boggaadin uu u dirayaa shacabka iyo dawladda aynu walaalaha nahay ee dalka Itoobiya, isaga oo ku hambalyeynaya xuska  20 Gimbood oo ah 25-guurada ka soo wareegtay wakhtigii talada dalka Itoobiya laga tuuray xukunkii kaligii taliska ahaa ee gacanta ku hayey talada dalkaas  Itoobiya.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu hambalyo gaadhsiinayaa raysal wasaaraha dalkaas Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, madaxweyneyaasha dawlad deegaanada dalkaasi iyo weliba sida oo kale safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya jamhuuriyadda Somaliland General Berha Tesfaye, isaga oo maalintan 20 Ginbood ku tilmaamay in ay tahay maalin ku suntan taariikhda dalka Itoobiya, isaga oo shacabka iyo dawladda Itoobiyaba ku boggaadiyey horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen muddadaas 25ka sanno ahayd isla mar ahaantaana ay horumaro ka sameeyeen dhinacyada waxbarashada, wax-soo saarka, caafimaadka, kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga iyo weliba sida oo kalena xidhiidhada diblomaasiyaddeed iyo saaxiibtinimo ee ay la lee yihiin dalalka jaarka la ah iyo kuwa Afrikaba.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxa ugu dambeyntii uu dawladda iyo shacabka dalka Itoobiya uu u rajeynayaa in ay  sannadka sannadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo isla mar ahaantaana ay sii laban laabaan dedaalkooda horumarineed, isaga oo farta ku fiiqay in mar walba ay dawladda Somaliland iyo ka shacab ahaanba ay aad u jecel yihiin una rajeynayaan in ay walaalahooda dalka Itoobiya ay kula noolaadaan jaar wanaag iyo xidhiidho fiican oo dhex mar labada dhinacba, waxaana uu mar kale ku ammaanay dawladda Itoobiya  sida ay saaxiib dhow ugu tahay Somaliland, iskana kaashan doonaan dhinacyada horumarka iyo nabad-gelyada labada wadan.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa/Somaliland”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Dawladda Itoobiya iyo Shacabkeeda ugu Hambalyeeyey Xuska Sannad Guurada 25aad ee 20 Gimbood

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dawladda federaalka Itoobiya sanad-guraddii 20-aad ee kaoo wareegtay xiligii dalkaasi jabhadii GIMBO ay xukunka ka tureen boqortooyaddii dhariga Itoobiya.