Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde Oo Si Rasmi Ah Berbera Uga Furay Tartan Ciyaareed Kubada Cagta

Berbera – (warsoor) – Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiqaadir Jirde ayaa tar-tan ciyaareed kubada Cagta ah ka furay magaalada Berbera, kaasi oo ay ka qayb-qadanayaa 12 kooxood oo ka mid ah kooxaha kubada Cagta ee ka dhisan magaalada Berbera.

Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde oo ay weheliyaan masuuliyiin ugu tunka weyn leh Xisbiga WADDANI, ayaa si rasmi ah u furay tartan Ciyaareed kubada cagta ah oo dhaxmaraya 12 kooxood oo ka dhisan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isla markaana wuxuu guddoomiyuhu guddoonsiiyey agab ciyaareed dhammaystiran 12 kan kooxood ee ka qayb gelaya tartankaasi uu Xisbiga WADDANI qabanayo.

Geesta kalena qaar kamid Cuqaasha iyo wax-garadka gobolka saaxil ayaa si weyn u soo dhaweeyey tartan ciyaareedka uu bisha barakaysan ee ramadaan uu Xisbiga WADDANI ka furay magaalada Berbera iyo qalab lagu Ciyaaro kubad cagte ee uu guddoonsiiyey 12 –ka koooxood, waxaanay sheegeen inuu Xisbiga WADDANI ka dhabeeyo balan qaadka uu u sameeyo, isla markaana uu dhiirigeliyo dayarta ..

Gunaanadkii waxa tartankaa kubada cagta ee uu Xisbiga WADDANI ka furay magaalada Berbera si rasmi ah u furay guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirde “ Waxaan u mahad-naqayaa masuuliyiinta Xisbiga ee hindisay fikirkan, Xisbiguna waa kaa ka dhabeeyey, dhalinyarad waxaan u rajaynayaa Ciyaar wanaagsan iyo isku duubnaan, Ciyaartiina wey inoo furantahay.Ayuu ku soo koobay haddalkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.