Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xill. Cabdiqaadir Jirde oo Hambalyo iyo Fariin Isbarkan u Diray Taageerayaasha Xisbiga WADDANI

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa guud ahaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba ugu hambalyeeyey qaabkii uu u soo qabsoomay shirkii Golaha Dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo bishan dabayaaqaddeedii ka qabsoomay magaalada Hargeysa, waxaana uu shirkaas ku tilmaamay in uu ahaa mid ku soo dhammaaday hab guul ah.

jirde

Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana sida oo kale uu fariin u diray guud ahaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI, isaga oo ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan ka qeyb-qaadashada xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo weli ba sida oo kale in ay isu diyaariyaan dardar-gelinta hawlaha Xisbiga oo uu sheegay in hawlo badan oo Xisbiga ahi ay soo socdaan.

“Waxaan leenahay xubnaha Xisbiga  WADDANI, waxaan idin ku hambalyeynaynaa shirkii Golaha Dhaxe ee guusha  innoogu dhammaaday, ayaanu hambalyo u wada diraynaa dhammaantood,waxa kale oo aanu leenaya hawlaha xisbiga ee soo socda taa abaaraha iyo ta kale ee dar-dargelinta Xisbiga ha loo diyaar garoobo,waanan idin hammbalyeynayaa ” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xidhibbaan Cabdiqaadir Jirde Ismaaciil.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.