Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka UCID oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay Kana Waramay Xaaladda dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Cigaal International guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Soo dhaweynta Eng. Faysal waxaa si wadda jir ah u soo dhaweeyey taageerayaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI iyo hogaankooda.

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay waddo caga guleyn, hanjabaad iyo cabudhun. Waxaanu ka dayriyey in aan 3da sanno ee soo socda aan dalku ku sii jirin karin marxaladan.

Guddoomiyaha Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay tahay xukumadd ay 4-ta tiir ee ay xukuumaddu ka kooban tahay ay 3 ka mid ah ka soo jeedaan hal beel halka ta hadhsan ay ku timid nimaad is xambaara oo aan dastuuri ahayn balse xal la mooday.

HALKAN KA DAAWO SOO DHAWEYNTA ENG. FAYSAL:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.