Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo magacaabay Guddida Ololaha ee Gabiley

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa magaacay guddida ololaha doorashada ee gobolka Gabilay oo ka kooban 24 xubnood.

Digreetadda magacaabista guddidan ayaa u dhignayd sidan:

“Ujeeddo: Magacaabista Guddida Ololaha Gobolka Gabiley Xisbiga KULMIYE.

Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddiyadda Ololaha Gobolladu u leeyihiin habsami-u-socodka iyo hufnaanta maamulka ololaha doorashada ee Xisbiga KULMIYE, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Ololaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 8 October, 2017. Gobollada dhiman waxa la soo magacaabi doonaa dhawaan.

Gud. Muuse Biixi Cabdi

Gobolka Gabiley:

1. Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi – Guddoomiye
2. Kaamil Muuse Geedi – Guddoomiye Ku Xigeen
3. Axmed Maxamuud Shirwac
4. Mukhtaar Jibriil Muuse
5. Axmed Cali Dable
6. Maxamed Axmed Aw Cabdi Xabiib
7. Bedri Muuse Cumar
8. Khadar Baaruud Cumar
9. Cali Sh. Maxamed Cabdi
10. Xaliimo Mooge Cali
11. Axmed Muxumed Cumar
12. Cabdiwaasic Maxamed Yuusuf

13. Maxamed Axmed Geelle
14. Cabdi Cumar Diiriye
15. Cabdirisaaq Aw Muuse Xasan
16. Guuleed Cabdi Cabdillaahi
17. Isaxaaq Sh. Axmed Sh. Muxumed
18. Cabdi Daa’uud Cismaan
19. Saado Cabdi Kooshin
20. Sucaad Cabdi Muxumed
21. Deeqa Aw Muuse Rooble
22. Haweeya Cabdi Kaahin
23. Muna Mawliid Warsame
24. Safiya Cali Aw Axmed

Fiiro – gaar ah: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobol kasta, waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida Ololaha ee isla Gobolkaa.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.