Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL oo si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Uganda

Uganda – (warsoor) – Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi ayaa maanta (Shalay) gaadhay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda halkaas oo jaalliyadda Somaliand ee dalka Uganda ku soo dhaweeyeen. Guddoomiyuhu wuxu heer sare ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada jaalliyadda ee leh ganacsatada, odayaasha, waxgaradka, ardayda iyo haweenkaba ka midyihiin. Waxa uga warbixiyay xaaladda guud ee bulshada jaalliyadda  Diplomat Xamse Xaaji Dool oo ka waramay sida loogu baahanyihiin in la xoojiyo xidhiidhka iskaashi iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Uganda iyo ahmiyadda leedahay in Xafiis diblomaasiyadeed Somaliland ku yeelato Kampala. Ganacsade Maxamuud Xuseen (Gulu) ayaa isaguna ka waramay xaaladda ganacsatada reer Somaliland ee ka shaqaysta Uganda iyo doorka ay ka gaysan karaan maalgashi ay ku sameeyaan dalkooda.  Mustafe Cawil Curyaan oo ku hadlay afka ardayda Somaliland Uganda ayaa isaguna uga warbixiyay Guddoomiyaha xaaladda ardayda Somaliland ee waxka barta Uganda, tiradooda iyo duruufaha ku xeeran.

2

Dhammaan dadkii ka hadlay shirk ayaa madnaq ballaadhan u fidiyay Mama Amina Xirsi Mooge iyo Walaasheed Caasha Xirsi Mooge oo suurtageliyay qabsoomida kulankan jaalliyadda iyo Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayaxweerar) ayaa ugu horayn uga mahadceliyay guud ahaan jaalliyaddav iyo ka soo qaybgalka buuxa ee shirka  iyo gaar ahaan Mama Amina Xirsi Mooge sida loogu soo dhaweeyay Uganda. Guddoomiyuhu wuxu uga warbixiyay jaalliyadda xaaladda guud ee dalka, abaaraha ka dhacay iyo saamaynta ay ku yeesheen bulshada, diwaangelinta codbixiyayaasha ee ka socota dalka iyo guud ahaan waxqabadka iyo horumarka dalku ku tallaabsaday sannadihii u dambeeyay, isla markaana wuxu tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay dalka isku xidhnaansha, midnimada, wadajirka iyo iskaashiga jaalliyadaha Somaliland ee daafaha caalamka ku kala nool. Guddoomiye Dayaxweerar wuxu ku dardaaray inay joogteeyaan isku duubnaantooda, kana soo qaybgalaan maalgashiga dalkooga si loo gaadho horumar buuxa iyo shaqo abuur badan oo loo sameeyo dhalinyarada Somaliland si looga badbaadiyo aafada tahriibka.

1

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajooggu mudada uu ku suganyahay Kampala wuxu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa ururka ardayda Somaliland ee Uganda, ganacsatada iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawladda Uganda.

Booqashada Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga ee Uganda ayaa qayb ka ah safar  shaqo oo uu ku marayo wadamo kala duwan oo ay aad u joogaan muwaadiniinta iyo dadka u dhashay Somaliland kana  midyihiin Uganda, Tanzania iyo Kenya safarkaas oo ujeedadiisu tahay xoojinta isku xidhnaansha iyo wada shaqaynta jaalliyadaha Somaliland ee dalka iyo sidoo kale xidhiidhka Somaliland iyo wadamadaas.

Source: Somaliland Diaspora Agency

HQ:  Hargeisa, Republic of Somaliland

sldiasporaagency@gmail.com    

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.