Guddoomiyaha Telesom Cabdikariin Maxamed Iid Oo loo xulay Abaalmarinta tartanka hoggaamiyaha Ugu Wanaagsan shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Afrika 2018

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Md. Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa ka mid noqday hoggaamiyayaasha shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Teknoolajigga Afrika ee loo xulay in ay u tartamaan Abaalmarinta Caalamiga ah ee loo yaqaano “CXO of the Year” oo ah Abaalmarin Caalami ah oo lagu muujiyo hoggaamiyayaasha ku guuleystay in ay horumar ku soo kordhiyeen Isgaadhsiinta & Teknoolajigga Afrika. Abaalmarintan oo lagu magacaabo “AfricaCom Awards” waxa sannadkasta lagu soo bandhigaa Shirweynaha Teknoolajigga ee “AfricaCom” oo lagu qabto South Afrika. Shirweynahaasi oo ah ka ugu ballaadhan ee lagu soo bandhigo Teknoolajiyadaha Casriga ah ee Kala duwan. Hoggaamiyaha Shirkadda Telesom Somaliland waxyaabaha lagu xushay waxa ka mid ah in uu shirkadda uu mas’uulka ka yahay ku guulaysatay in ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarka dhaqaalaha Somaliland, iyada oo Somaliland ka dhigtay waddankii shanaad ee si habsami ah uu uga hirgalo adeegga moobilka lacagta la isugu diro (ZAAD) iyo waddankii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo adeegga sarrifka lacagta moobilka, taas oo isbeddel ballaadhan ku sameysay nolosha bulshada Somaliland. Adeegyada kale ee indhaha caalamka soo jiitay waxa ka mid ah adeegga Cloud-ka iyo adeegyada dheeraadka ah (VAS) oo uu AQOONMAAL ka mid yahay.
Haddaba waxaad awood u leedahay inaan u codayso xubnaha la soo xulay ee uu ku jiro Cabdikariin Maxamed Iid. Si aad u codayso booqo link-ga  https://www.surveymonkey.com/r/africacom-cxo-ecxo-2018/ http://www.surveymonkey.com/r/africacom-cxo-ecxo-2018 ka dib xagga hoose waxaa kuu soo baxay liiska musharaxiinta oo Cabdikariin Maxamed Iid ku jiro dhex, battan riix, ka dib hoos u daadaga, ka dibna hoos u daadag, buuxi qodobka 3-aad, haddii aad doonto qodobadda kale ka sii hooseeya sax ka aad doonto, ka dib riix next, waxaa kuu soo baxaysa waad ku mahadsantay codayntaa oo ingiriisi ah, ka dibna OK ku dhufo, ka dibna riix DONE sidaasi ayaad ku codaysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.