Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Ambaasatoor Nicolos Berlenga Martinez

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha maxkamadda sare ee jamhuuriyadda Soomaalilaan Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga Yurub ee Soomaalilaan iyo Soomaaliya ambaasatoor Nicolos Berlenga Martinez.

Kulankaas oo ahaa booqasho ayaa ku saabsanaa is xog waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga soo jireenka ah ee ay wadaagaan dawladda Soomaalilaan iyo maidawga Yurub. Waxaana la iska xog waraystay arrimo la xidhiidha xaaladda dalka, gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka iyo doorkii ay ka qaadata geeddi socodka doorashooyinkii dalka ka dhacay. Waxaana uu safiirku ku bogaadiyay garsoorka sida wanaagsan ee ay u maamuleen dacwadihi la xidhiidhay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada, isagoona xusay in midawga Yurub uu xoojinayo iskaashiga ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Soomaalilaan.

Geesta kale, safiirka midawga Yurub Amb. Nicolas Berlanga waxa uu Soomaalilaan u rajeeyay inay si hufan ay ugu dhammaato arrimaha kale ee la xidhiidha doorashadu.

Ugu dambayntii guddoomiyaha maxkamdda sare waxa uu safiirka uga mahad’celiyay kor u qaadida iskaashiga ay wadaagaan jamhuuriyadda Soomaalilaan iyo Midawga Yurub, waxaanu hoosta ka xarriiqay inay muhiim tahay in la ballaadhiyo wada shaqaynta ka dhexeysa labada dhinac.