Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la kulmay Masuuliyiinta SOLJA

Hargeysa – (WARSOOR)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta ururka warbaahinta Somaliland ee (SOLJA) oo uu hogaaminayay guddoomiyaha ururkaasi Sakariye Axmed Muxumed oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee ururka Ismaaciil Axmed Ismaaciil iyo xubno ka tirsan ururkaasi.

Kulanka oo ujeedadiisu ahayd is-xog-waraysi guud iyo dardargalinta iskaashiga ka dhexeeya Waaxda garsoorka JSL iyo ururka warbaahinta ee SOLJA, ayaa ugu horayn waxa shirka ka hadlay guddoomiyaha ururkaasi Sakariye Axmed Muxumed, oo xusay ahmiyada ay leedahay xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac iyo sida ay biyo-kama-dhibcaanka u tahay qabyo-tirka xeerka warbaahinta dalka. Sidoo kale waxa uu tibaaxay, in loo baahan yahay tababaro iyo wada-shaqayn qoto dheer oo dhexmara hay’adda garsoorka dalka iyo ururka warbaahinta ee SOLJA.

Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa soo dhaweeyay masuuliyiinta ka socday ururka SOLJA, waxaanu hoosta ka xariiqay baahida waddanku u qabo warbaahin u shaqaysa qaab togan, soona gudbisa dhacdooyinka taabanaya nolosha bulshada qaybaheeda kala duwan, tasoo uu tilmaamay in ay tahay ahmiyada koowaad ee qaranku ku taamayo.

Guddoomiyaha ayaa xusay in wada shaqayn dhow ay leeyihiin ururka SOLJA iyo maxkamadaha waddanku, waxa kale oo uu sheegay in ay haboon tahay in warbaahinta lagu tababaro qaabka ay u tabinayaan dhacdooyinka la xidhiidha maxkamadaha, sidoo kale waxa uu tilmamaay in ay ka hawl-galeen sidii loo yaran lahaa xadhiga wariyayaasha.

Ugu danbayn guddoomiye Aadam waxa uu rajo wanaag ka muujiyay xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa, hay’adda garsoorka iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka, isagoo ku ammaanay doorka shariifka ah ee ay kaga jiraan dhismaha waddanka, waxaanu ugu baaqay in ay ahmiyad gaar ah siiyaan barnaamijyada waxtarka u leh bulshada ee dhisaya garaadka bulshadeena, jihaynayana cudduda dhallinyarteena.