Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo Heshiis is-afgarad ah la saxiixday Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalka Turkiga

Muqdisho (warsoor)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa  maanta heshiis is-afgarad ah la saxiixday Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalka Turkiga.

Heshiiskaan oo uu dhinaca Dawladda Turkiga u saxiixay Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Turkiga prof. Zühtü ayaa waxa uu albaabka u furayaa xiriir cusub oo labadda Maxkamaddood yeeshaan.

Labada Masuul ayaa Sidoo kale waxay kulan saacado qaatay ku wada yeesheen  Xarunta Maxkamadda Dastuuriga ee dalka Turkiga, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr oo quseeya labada dhinac.

Heshiis is-afgaradka ah ee ay wada saxiideen Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Turkiga prof. Zühtü ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.