Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Oo Tabobar U Furay Garsoorayaasha Maxkamadaha Gobolka Maroodijieex

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tababar u furay xubno ka tirsan garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareennada Maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha oo ay wehelinayeen Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Madaxa Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa tababar socon doona laba cisho u furay, 35 xubnood oo isugu jira garsoorayaal, xeer-ilaaliyayaal iyo qareenno ka tirsan, maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex, xafiiska xeer-ilaalinta guud iyo ururka qareenadda ee Solla.

Tababarkan oo ay bixinayeen Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi iyo Dr. Xuseen Xasan Cali ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor-loogu qaadi lahaa nidaamka gar-qaadista dacwadaha, baadhida cadaymaha iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee ay inna farayso diinteena Islaamku, taasoo sal-dhig u ah hufnaanta iyo gaadhidda go’aamo cadaaladeed oo ku qotoma axkaamta Islaamka.

Ugu horayn waxa furitaankii tababarka ka hadlay wasiirka Diinta iyo aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland sheikh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), waxaanu tibaaxay in ay ahmiyad weyn leedahay in garsooruhu aqoon durugsan u leeyahay shareecada Islaamka. Waxaanu wasiirku xusay in garsoorka ay tiir dhaxaad u tahay aqoon iyo cadaalad.

Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex Cali Suudi Diiriye, ayaa sheegay in garsoorku marka loo eego labada waaxood ee kale ee qaranka, ay yihiin cidda ugu badan ee aqoontooda kordhisa. Sidoo kale waxa uu xusay, in ay biyo-kama-dhibcaan tahay, in dacwadaha loo eego shareecada Islaamka, waxaanu xusay in wax badani ka dhiman yahay dacwadda aan loo eegin shareecada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, oo furay tababarka ayaa xubnihii ka soo qayb galay ku baraarujiyay, in aanay ka daalin cilmi-korodhsiga, waxaanu ugu baaqay in adeega garsoorka ee ay bulshada u hayaan, u qabtaan si daacadnimo, cadaalad, hufnaan iyo Alle-ka-cabsi ku dheehan yahay.

Sidoo kale, waxa uu guddoomiye Aadam Xaaji Cali, dardaaran u jeediyay xeer-ilaaliyayaasha iyo garsoorayaasha, isagoo ugu baaqay in ay tacab galiyaan dacwadaha, mas’uuliyadna iska saaraan. Dhinaca kalena waxa uu u soo jeediyay garsoorayaasha in ay ku dhac yeeshaan oo go’aamada hore u soo saaraan si dacwaduhu u degdegaan.

Ugu danbayn waxa uu garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee garsoorka faray inay ilaaliyaan haybadda garsoorka haddii ay tahay direyska iyo arrimaha kale ee la hal-maala, si iyaga iyo bulshadu u kala soocnaadaan. Tababarkan ayaa daba socday qiimeyn lagu sameeyay baahiyaha tababar ee ay u baahan yihiin, hawl-wadeenada waaxda garsoorku.