Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Warbixiyey Natiijada Safar Wefti uu Hoggaaminayey kaga soo Laabteen Dalka Kenya

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE  Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka warbixiyey natiijada safar shaqo oo wefti uu hoggaaminayey ugu maqnaayeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo qaatay muddo toddoba maalmood ah.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo safarkiisa ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Boos, waxa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa Cigaal oo ay ka soo degeen galabta ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwan oo isugu jira hoggaanka KULMIYE, saraakiil ka tirsan xisbiga iyo wasiirro xukuumadda ah.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo madaarka kula hadlay warbaahinta, ayaa ka warbixiyey ujeeddadii socdaalka weftigiisa iyo natiijada kulamo kala duwan oo uu la yeeshay wakiillada dalalka qaadhaan-bixiyayaasha ka taageera Somaliland horumarka iyo doorashooyinnka, safiirrada dalalka Maraykanka, Jarmalka, Denmark, Finland, Australia, Switzerland, EU-yada iyo qaar kale, hay’adaha Qaramada Midoobay, Baanka Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, USAID iyo kuwo kale, waxaannu sheegay inay kala hadleen arrimo la xidhiidha gurmadka abaaraha adage e ka jira dalka Somaliland iyo sidii ay u sii wadi lahaayeen gacan-ka-gaysashadooda doorashooyinka iyo horumarinta ee dalka.

Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in weftigiisu xoojin iyo daba-gal ku sameeyeen baaqyo ay xukuumadda iyo guddida abaaruhu hore beesha caalamka ugu direen, waxaannu yidhi, “Hawlaha aannu Nairobi u tagnay waxa ugu badnaa abaaraha oo ay xukuumadda iyo  Guddida Abaaruhu hore qaylo-dhaan uga direen sii xoojinteeda iyo ka daba-tagga wixii ay qolada qaadhaanka bixisa ee caalamku ay hayaan inay soo dedejiso iyo  qoladala innaga caawisa doorashooyinka oo ka cawday dib-u-dhiggii doorashooyinku inkasta oo Guddida Doorashooyinka Qaranka oo hawshan u xilsaaran iyo xukuumadduba hore uga hadleen, haddana xisbi ahaan annaga oo xisbiyadii tartamaysay ka mid ah waxaanu deeq-bixiyayaasha ugu tagnay inaanay ka niyad jabin taageeradii ay siin jireen doorashooyinka.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu guddoomiyuhu taxay tiro safiirro iyo wakiillo metelayey dalalka caalamka ee Somaliland taageera, kuwaas oo ku ballan qaaday gargaar dhakhso loo siin doono Somaliland, “Waxaannu la kulanay safirro badan oo ka mid yihiin ka Maraykanka, Germany, Denmark, Switzerland, Finland, Australia, ka EU-da u joogta Nairobi, qolada UN-ka halkaas u joogta, Baanka Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, dhammaantood ajandeyaashuna waxa ay ahaayeen ka abaaraha iyo kaa doorashooyinka, labadabana jawaab fiican bay ka soo bixiyeen, qolada Yurub, USAID-ka Maraykanka iyo Baanka Afrika qolobo waliba waxay ku yabooheen lacago dhakhso ah oo toddobaad gudihii in lagu soo dhaqaajiyo ah, waxaanay iminka ku jireen qaybintii ay u samaynayeen dalalka Geeska Afrika ee abaartu haleeshay, waanay soo direen hay’adahoodii,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo uu tilmaamay in wakiillada beesha caalamka ee ka taageera Somaliland dhinaca doorashooyinku ay ballanqaadeen inay sii wadi doonto wadashaqaynta Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo ka qaybqaadashada doorashada Madaxtooyada, waxaannu yidhi, “Ta doorashooyinka halla is cannaanto oo ha la is-dhaliilo oo doorashooyinku way raageen halla yidhaahdo, laakiin qolooyinkii taageeri jiray waxay ku ballanqaadeen inay Doorashada Madaxweynaha kaalintoodii ka qaadanayaan oo aanay dhaqaalihii ay ku taageeri jireen ka hadhin, yididiilo wanaagsan oo xagga abaaraha iyo tii doorashooyinka iyo ballan cadba waanu ku kala nimi. Wixii intaa ka baxsanaa waxay ahayd uun in laga wadahadlo siyaasadda iyo amniga gobolkan aynu degannahay, gaar ahaan Geeska Afrika iyo dhulka Soomaalidu degto oo iska xasaasi badan.”

Dhinaca kale guddoomiyuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen dadkii badnaa ee isugu jiray reer Somaliland iyo Soomaalida kale ee dhawaan ku leeday gantaal lala beegsaday doonni ay ku safrayeen xeebaha dalka Yemen, “Dadka badda ku dhintay waanu ka tacsiyadaynayaa ehelladoodii, Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo qaran ahaan, iyagana Ilaahay ha u naxariisto, waa masiibo ku dhacday dad Muslim ah oo badda marayey, waxaana keenay colaadaha ka jira geyigan aynu ku noolahay,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.