Guddoomiyaha KULMIYE Oo $52,500 Oo Dollar oo gurmadkii ugu horeeyay ah Ku Wareejiyey Cusbitaallada Boorama Iyo Wajaale

Boorama – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa cisbitaallada magaalooyinka Boorama iyo Wajaale ku wareejiyey lacag dhan $52,500 (laba iyo kontan kun iyo shan boqol) oo dollar oo uu ugu talo galay la tacaalidda xanuunka shuban-biyoodka oo deegaannadaas ka dillaacay.

Guddoomiya iyo wafti ballaadhan oo xukuumadda iyo xisbiga katirsan oo uu hoggaaminayo oo safar xog-ogaal u noqosho ah ku jooga magaalada Boorama, ayaa ka hor intii aanay gaadhin magaalada Boorama waxa ay socdaal ku tageen cisbitaalka guud ee magaalada Wajaale, iyaga oo uu halkaas warbixin ku saabsan baahida cisbitaalka kaga dhegaysatay maamulka cisbitaalka, waxana uu guddoomiyuhu isla-madashaas kaga dhawaaqay lacag dhan $22,500 (laba iyo labaatan kun iyo shan boqol) oo uu ugu talo galay in wax lagaga qabto baahida guud ee cisbitaalka iyo midda dadweynaha shubanku soo ritay ee halkaas jiifa.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu socdaalkiisa ku tegay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo muddooyinkan laga dareemayo xanuunka shuban biyoodka, waxana kulamo isaga iyo waftigiisu ay la qaateen bahda caafimaadka gobolka oo ka qabsoomay cisbitaalka guud ee magaalada Boorama maanta uu halkaas kaga dhawaaqay lacag qaddarkeedu dhan yahay $30,000(soddon kun) oo dollar oo uu ugu talo galay inuu kaga qaybqaato wax ka qabashada xanuunka shuban biyoodka.

Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Awdal iyo xubno salaadiin iyo waxgaradka gobolka iskugu jirey oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahadnaqay deeqda lacagta iyo daawooyinka iskugu jirta ee xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu gaadhsiiyeen gobolka Awdal, waxana ay sheegeen inay abaalkaas maanka ku haysan doonaan.

Xubno wasiirro ah oo ay kamid ahaayeen wasiirrada wasaaradaha madaxdooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo-toosiye), shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Axmed Obsiiye, waxbarashada, Cabdilaahi Ibraahim Habbane iyo xubno kale oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ugu heellan yihiin una garab taagan yihiin bulshadooda, gaar ahaan goobaha mashaqooyinku ka dhacaan, waxana ay goobta kaga dhawaaqeen daawooyin ay xukuumaddu ugu talo gashay cisbitaalka Boorama oo isla goobtaas lagu wareejiyey.

Guddoomiye Muuse Biixi oo madasha ku dhiibay lacagta uu xisbigu ugu talo galay in wax lagaga qabto xaaladda shuban-biyoodka Boorama ka dillaacay, ayaa si kooban u sharraxay sida ay xisbi ahaan diyaarka ugu yihiin gargaarka umaddooda tabaalaysan, waxana uu yidhi, “Annagu xisbi ahaan dadka KULMIYE taageerayshiisa aynuu ugu baaqnaa dhibaatooyinka jira, haddii ay abaar tahay iyo haddii ay xanuun tahayba, maantana Boorama markii uu shubankii bilaabmay xajmigii wasaaradda caafimaadka ee gobolka wuu ka weynaaday, dad dhallinyaro iyo waayeelba leh baa gurmad la qoray, dadkaasina miisaaniyadda kumay jirin oo gunno iyo mushahar iyo hawlo kale ayey u baahan yihiin, annaguna dadkii KULMIYE waxanau idiinka sidnaa $30,000(soddon kun oo dollar) oo gunnadaas dadkaas caafimaadka gurmadka ugu shaqaynaya lagu maamuli doono, bal inta gurmad kale oo xoog lihi imanayo,”

Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada hogo-tusaaleeyey sida loogu baahan yahay in isku duubni iyo wada-jir horurmar loogu gaadhi karo, isaga oo ku dheeraaday sida bulshooyinka shisheeye ee Somaliland caawimooyinka siiyaa u yihiin qaar aan farqi badani inoo dhexeeyeynin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan idin leeyahay wax weynu qabsan karnaa mana dhaqaale li’in oo ma aha marka wax dhacaan inaynu nidhaahno shalay abaar baa nahaysaye nasoo gaadha, roobkii ugu horreeyeyna uu dad inaga laayo, dadka aynu baryeynona isku mid baynu nahay oo sagaal bilood bay ku dhasheen, dhulka aynu ku noolahay oo kalena way ku nool yihiin, laakiin caqli iyo tamar bay waxooda ku qabsadeen, lacagta la ina siiyaana waa sadaqad oo wax kale ma aha oo dad inaga oo kale ah baa soo bixiya, inaguna waynu leenahay awooddii iyo aqoontiiye waxan qabaa inaynu meelaheena muhiimka ah u jeedsano oo aynu ka baxno sidan aynu imika nahay oo aynu isku tashanno.”

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in baahi badan loo qabo in dhibaato kasta oo bulshada soo marta wax laga barto, waxana uu si weyn u bogaadiyey bahda caafimaadka oo uu xusay inay bulshadooda wax badan tareen, “Waxa waajib inagu ah dhibta ina soo marta inaynu cashar ka qaadano oo aynu u diyaar garowno berri wuu soo noqone maxaynu ka yeelnaa haddii ay abaar tahay iyo haddii ay cudur tahayba, shubankanina waxa uu ina baray marka hore sida loo gurmanayo, sida loo xakamaynayo iyo casharro badan oo aynaan badankeenu aqoonin, maantana haddii cid la bogaadinayo caafimaadka ayaa guud ahaan isla leh, mudnaanta ugu weynna waxa iska leh maanta oo xanuunkani ina baray dhakhaatiirta kuwa ugu yaryar,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii guddoomiyaha iyo waftigiisu waxa ay socdaal indho indhayn ah ku tageen jeelka weyn ee magaalada Boorama oo maxaabiista ku jirta qaar kamid ah uu xanuunka shuban biyoodku haleelay, iyaga oo halkaasna warbixin kaga dhegaystay hoggaanka ciidamada asluubta oo halkaas ku sugnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.