Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Socdaal ugu Baxay Dalka Kenya

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa socdaal shaqo ugu baxay dalka Kenya maanta.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Boos, ayaa safarkoodu la xidhiidhaa martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladaha beesha caalamka ee Somaliland ka caawiya arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaas oo kulamo dhexmari doona ay kaga wadahadli doonaan arrimaha wadashaqaynta iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo dalalka qaadhaan-bixiyayaasha reer Yurub iyo Maraykanka ee caawimada siiya Somaliland.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo warbaahinta faahfaahin la xidhiidha safarka Guddoomiyaha ku siiyey madaarka diyaaraha Hargeysa ee Egal waxa uu yidhi, “Guddoomiyaha weftigiisu waxay kulamo kula yeelan doonaan Nairobi safaaradaha dalalka reer Galbeedka oo ay ka mid yihiin Safaaradda Maraykanka iyo kuwo dalalka reer Yurub ah, waxay kaloo ay la kulmi doonaan xafiiska Midowga Yurub, hay’adaha caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay, ujeeddadu waxay tahay in marka hore xog-warran laga yeesho arrimaha abaarta Somaliland iyo macluumaadkii ugu dambeeyey iyo baaqii ay xukuumaddu ka soo jeedisay oo ay tahay in loo bandhigo hay’adahaas. Ta labaadna waxa weeye in dawlaha iyo hay’adaha Somaliland ka taageeri jiray doorashooyinka lagu dhiirrigeliyo inay taageeradoodii halki ka sii wadaan, maadaama la muddeeyey doorashadii oo duruufaha dib u riixayna yihiin kuwo aan laga gudbin karin oo abaarta ah tahay, waxa weftigu doonayaa in isku aragti laga ahaado sababaha keenay dib-u-dhigga doorashada iyo sidii waqtigaa cusub loogu shaqayn lahaa ee cid waliba wixii ay ku ballanqaaday ama laga filayey ay la diyaargarowdo ayey u socdaan.”

Waxa kaloo uu sheegay in Guddoomiye Muuse Biixi uu kulamo la yeelan doono masuuliyiin ka tirsan dawladda Kenya muddada uu ku gudo jiro socdaalkiisa Nairobi, “Waa markii labaad ee Guddoomiyaha KULMIYE safar ugu baxo Nairobi oo uu la kulmo dawladaha iyo hay’adaha reer Galbeedka, waxa kaloo wehelin doona dawladda Kenya oo uu kala kulmi doono masuuliyiin ka mid ah, waxaannuna filaynaa in safarkaasi lagu guulaysan doono oo wax wanaagsani ka soo bixi doono,” ayuu yidhi Md. Xasan Gaafaadhi.

Dhinaca kale, Afhayeenka xisbiga KULMIYE waxa uu shaaca ka qaaday dhaqdhaqaaqyo isku mid ah oo dawladda itaalka daran ee dalka Soomaaliya iyo xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI kaga soo horjeedaan hirgelinta heshiiskii ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu ee saldhigga millatariga magaalada Berbera.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaan rabaa in aan bulshada u sheego in berri Baarlamanka iyo xukuumadda Soomaaliya ay mooshin keeni doonaan Baarlamanka oo ay kaga soo horjeedsanayaan heshiiskii ay wada galeen dawladaha Somaliland iyo Imaaraadku ee ku saabsanaa saldhigga Berbera, waxaannu leenahay Soomaaliya waa inay fahantaa in Somaliland tahay waddan gooni ah oo madaxbannaan oo arrimaheedana ay iyadu maamulanayso oo hore iyo iminka toona aanay cid u dabafadhiisan, wax ka xannibaya iyo wax ka joojinayaana aanay jirin.

Sidoo kale, waxa berri shir lagaga soo horjeedo saldhigga Berbera huteelka wayn ee Maansoor Hargeysa ka ballansaday xisbiga WADDANI, waa taariikh isku mid ah oo isu eeg in Xamar laga abaabulo mooshin ka dhan ah heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka, isla mooshinkaas oo kalena uu ka dhaco huteelka Maansoor oo ay wadaan xisbiga WADDANI, maanu garan waxa isu beegay iyo sida ay u kulmeen labadaa arrimood.”

“Waxaannu leenahay ummadda reer Somaliland wixii danteedu ku jirto ayuun bay xukuumaddu ka shaqaynaysaa, cidina ugama lexejeclo badana, waxaanay ku fiicantahay wixii madmadow ah ee yimaada in gudaheenna lagaga wadahadlo, taas ayaanu annagu dhiirrigelinaynaa oo cid walba kula talinaynaa, heshiiskaasina waa mid meel maray oo ka dabahadalkiisa ciddii doontaaba ha ahaatee wax ka beddelmayaa ma jiro,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

HALKAN KA DAAWO: Muuqaalka Faahfaahinta safarka Guddomiyaha KULMIYE oo uu bixiyey Afhayeenka xisbiga Xasan Gaafaadhi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.