Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaagga Somaliland Oo Ka Xogwarramay Arrimaha Komishankaas U Qabsoomay

Hargeysa – (WARSOOR)  – Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa, Dayib Aadan Xaaji Cali oo u warramayey Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa ka xogwarramay qoddobadii u hirgalay kal-hore.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali wuxuu sheegay in tan markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Hoggaanka dalka qabtay la xoojiyey shaqadii Komishankaasi hayeen.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqu waxa  kaloo uu ka hadlay qorsheyaasha ay fulinayaan sannadkan oo ay ka mid tahay in wacyigelin ballaadhan oo bulshada lagu guubaabinayo  suulinta maamul-xumada iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa.

Guddoomiye Aadan waxa uu intaas ku daray in Hay’adaha dawladda ee ay u sameeyaan maamul-toosin si looga baaqsado musuqmaasuq iyo maamul-xumo.

Ugu dambayn guddoomiyaha Komishanka Maamul-wannaagu waxa uu ku ugu baaqay dadweynaha inay ka fogaadaan dhiirigelinta musuqmaasuqa oo caqabad ku noqon kara Horumarkii la beegsanayey.