Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Furay Shir Lagaga Hadlayey qorshihii Sannadkan Iyo Sannadka Dambe

Hargeysa – (Warsoor) – Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa furay shirka dib u eegista qorshihii sannadkn 2020-ka iyo diyaarinta Qorshaha sannadka soo socda ee 2021-ka.

Shirkan oo maanta ka furmay magaaladda Hargeysa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Agaasimeyaasha waaxyaha ee hay’addaas, qaar ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiin ka socday Baanka Adduunka.

Ugu horayn waxaa munaasibadaas hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliuland Farxaan Aadan Haybe, isaga oo soo dhaweeyay kulankaas isla markaana ka hadlay hawlqabadkii Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland ee 2020-ka iyo diyaarinta qorshayaasha horumarineed ee halbeega u ah hiigsiga 2021-ka.

Guddoomiye Faraxaan Aadan Haybe, waxaa uu u mahad naqay waaxda Qorshaynta ee Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo waaxyaha kale sida hawlkarnimada leh ee ay u dedaaleen, waxaanu ku booriyay in sanadkan soo socda ee 2021-ka ay laban laabaan shaqada iyo hawl-qabadka u yaala.

Agaasimaha guud ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda ayaa ka hadlay muhiimada uu qorshani u leeyahay qaranka iyo dedaalka ay samaysay Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland.

Madaxa xidhiidhiyaha Baanka Adduunka iyo Hay’adda shaqaalaha Dawladda Cabdi Aadan, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha sannadkii hore, isaga oo xusay in uu ka qaybta qaadan doono mashruuca Baanka Adduunku.

Waaxda Qorshaynta ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa halkaasi ku soo bandhigtay qorshihii sannadkan 2020-ka u hirgalay iyada oo sheegtay in boqolkiiba 89, u qabsoomeen sidoo kale waaxyaha kala duwan ee Hay’adu waxa ay halkaasi ku falanqeeyeen waxyaabihii ay ka barteen sannadkan iyo u diyaargarowga sannadka dambe.