Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Somaliland oo la kulmay Jaalliyadda Somaliland ee Dalka Zambia

Zaambiya – (warsoor) – Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)  oo safar shaqo ku maraya wadamo ka mid ah koonfurta, badhtama iyo bariga Afrika ayaa todobaadkan gaadhay gaadhay dalka Zambia oo uu kulan la qaatay Jaalliyadda Somaliland ee deggan dalkaas iyo dhinacyo kale oo muhiim ah.

Mudane Dayaxweerar oo booqashadiisa Zambia gaadhay magaalooyinka Lusaka iyo Ndola ayaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay kula yeeshay jaalliyadda Somaliland hudheel ku yaalla magaalada Luzaka, waxana ka soo qaybgalay xubno doora oo ka mid ah gudida, odayaasha, ganacsatada, waxgaradka, haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee Jaalliyadda Somaliland ee deggan dalkaas Zambia. Muwaadiniinta u dhalatay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee ka soo qaybgalay kulanka ayaa aad u bogaadiyay booqashada uu ugu yimi Guddoomiyaha, ugana mahad celiyay Guddoomiyaha iyo guud ahaan Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL dadaalka dheeraadka ah ee ay gelinayso xoojinta xidhiidhka jaallliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka, iyo gaar ahaan xidhiidhka wadamada Afrika. Xubnaha ka hadlay shirka ayaa tilmaamay in xoojinta xidhiidhka jaalliyadaha iyo gaar ahaan wadamada Afrika ay ahmiyad weyn u leedahay danaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda, iyo dadaalka ictiraaf raadintaba ee Wasaaradda Arrimaha Debaddu hormood uga tahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliand.

Guddoomiyaha Qurbajoogga ayaa uga warbixiyay Jaalliyadda hawlaha shaqo ee Hay’adda Qurbajoogga Somaliland, Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo qorshayaasha waxqabad, xaaladda dalka iyo fursadaha maalgashi ee dihin, waxanu dhinaca kale ugu baaqay qurbajoogga Somaliland ee Zambia iyo guud ahaan dalalka Afrikaba inay ka soo qaybgalaan maalgashiga iyo horumarinta dalka, isla markaana laba jibbaaraan kaalinta waxqabad ee ay ugu jiraan dalkooda dalkooda Jamhuuriyadda Somaliand.

Weftiga Guddoomiyaha Qurbajoogga oo isla safarkan shaqo ee Afrika hore usoo maray dalalka Koonfur Afrika iyo Botswana, ayaa Zambiya u dhaafay dhinaca dalka Tanzania oo Guddoomiyuhu shir ballaadhan la yeelan doono gudida, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Jaalliyadda Somaliland ee dalkaas Tanzania.

Safarkan shaqo ee Afrika ee Guddoomiyaha Qurbajoogga Somaliland ayaa qayb ka ah dadaalka ay Wasaaradda Arrimaha Debaddu ugu jirto xoojinta xidhiidhka iskaashiga jaalliyadaha iyo wadamada Afrika.

Source:  Somaliland Diaspora Agency

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

Hargeisa, Republic of Somaliland

July 31, 2018

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.