Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa oo booqday Safaarada Soomaaliya ee Turkey

Muqdisho – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa JFS Abuukaate Mohamed Hussein Haamud oo safar shaqo ku joogo Turkey ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee wadanka Turkey gaar ahaan magaalada Ankara iyo istanbul.

Guddoomiyaha ayaa xarunta safaaradda kula kulmay danjiraha safaaradda Soomaaliya ee dalalka Turkey Mudane Jaamac Cabdullaahi Maxamed iyo howl wadeenada safaaradda.

Guddoomiyaha ayaa safiirka iyo howlwadeenada safaaradda ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan isla markaana kula dardaarmay in la dardargaliyo howlaha safaaradda ayada oo la ilaaliyo hufnaanta shaqada, Tirakoobka dadka Soomaaliyeed, ka warhaynta iyo dhisida Jaaliyad midaysan, Haggaajinta nidaamka maaliyadda iyo dakhliga ay Safaaraddu qabato laguna xareeyo Bangiga Dhexe, In la hagaajiyo kala danbaynta shaqada ee Diplomaasiyiinta Safaaadda ka hawlgala si loo hormariyo dowladnimada.