Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo qaabilay wakiilka Dawladda Imaaraadka u qaabilsan Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Dawladda Imaaraadka u qaabilsan Somaliland Mr Abdulla Al-Naqdi.

Ujeeddada guud ee kulankan ayaa ahayd isbarasho, waxaana intii uu kulanku socday lagaga wadada hadlay sidii wada shaqayn looga dhex abuuri lahaa baarlamaanka Somaliland iyo baarlamaanka dawladda Imaaraad-ka

Shirguddoonka iyo Wakiilka ayaa isla afgartay in ay baarlamaannada Imaaraadka iyo Somaliland iska kaashadaan dhanka aqoonta iyo waayo aragnimada shaqada, islamarkaana ay weftiyo labada dhinac ah is waydaarsadaan.