Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda UK u qaabilsan Somalia

HARGEYS – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda UK u qaabilsan Somalia Kate Foster, madaxa xafiiska Hargeysa ee dawladda UK Stuart Brown iyo madaxa siyaasadda ee xafiiskaasi Khadar Muxumed.

kulanka ayaa lagaga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa xeerarka muhiimka ah ee ay labada dhinacba danaynayaan iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta xafiiska Hargeysa ee dawladda Ingiriiska iyo Golaha Wakiillada Somaliland.

Danjireyaasha Dawladda Ingiriiska ayaa ballan qaaday in ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta cilaaqaadka baarlamaanka Somaliland la yeelanayo baarlamaannada iyo dalalka Caalamka.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), lataliyaha xidhiidhka caalamka ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Ibraahim iyo agaasimaha qorshaynta ee Golaha Wakiillada Cabdinaasir Cismaan.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqayn.