Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo la kulmay saraakiisha ugu sareeya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareekanka

USA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka.

2Kulan socday in ka badan hal saac ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ictiraafka Somaliland, Doorashooyinka, iwm. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga la socday ayaa ugu horrayn masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debedda warbixin ka siiyey taariikhda Somaliland, iyo sida ay ugu qalanto inay ka mid noqoto wadamada beesha caalamka, sidoo kale waxay kala hadleen xasiloonida ka jirta iyo sida ay wadamada gobolka ugala shaqayso dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka dembiyada abaabulan.

Arrimaha weftigu is-dultaagay waxaa ka mid ahaa qabsoomida doorashooyinka Somaliland iyo sidii dawladda Maraykanku ay gacan uga geysan lahayd.
Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Debedda oo ahaa masuuliyiinta qaabilsan arrimaha

Geeska Afrika ayaa kala ahaa Peter Lord oo ah ku xigeenka Xafiiska qaabilsan arrimaha bariga Afrika iyo Stacy M. Session oo qaabilsan xafiiska Soomaalida.

Labadan masuul ayaa sheegay inay dawladda Maraykanku diyaar u tahay inay door ka ciyaarto dhinaca doorashooyinka iyaga oo tusaale u soo qaatay mashruuc ay ku bixinayaan hawlaha doorashada.

Weftiga ka socday Somaliland gaar ahaan Xisbiga WADDANI ayaa hordhigay masuuliyiinta ka socotay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka inay xafiis diplomaasiyadeed ka furtaan magaalada Hargeisa sida dawladaha kale.

Arrimaha la isla soo qaaday waxaa Iyana ku jirtay sidii doorashooyin wanaagsani uga dhici lahaayeen gobollada bari, taas oo weftiga ka socday Xisbiga WADDANI ay u sheegeen in Xisbiyada siyaasadda, Golaha Baarlamaanka iyo xukuumadduba ay booqdeen marar is xigxigta gobolladaas iyaga oo ka shaqaynaya sidii diiwaangelin buuxda ay uga qabsoomi lahayd.

Ugu dambayn kulanka ayaa ku dhammaaday jawi is-af-garad ah. Waxaana dhinaca Somaliland kulanka ku wehelinayey Guddoomiyaha xubno ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Dr. Maxamed Cali Cabdi, Xil. Cabdulqaadir Jirde, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Reyte, Nuura Axmed Weris Wakiilka Xisbiga WADDANI ee Gobollada Virginia, Maryland iyo Washington DC.

1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Somaliland Parliament Chairman and His Delegation meet USA Ministry of Foreign Affairs Officials

USA, Washington – (warsoor) – WADDANI Party and Somaliland parliament chairman Abdirahman Abdilahi Irro along with his delegation met USA ministry of foreign affairs officials on Wednesday during a work trip in United State of America.

Somaliland delegation and USA foreign official has been discussed on their meeting for Somaliland recognition, upcoming elections and many more issues.

Chairman of WADDANI Party and Somaliland parliament has briefly enlightened Somaliland past experience and the rights of Somaliland that it deserves to be recognized by the international community.

Along that Mr. Irro narrated the stability and peace exist in Somaliland territory in addition to the collaboration and organized crimes deal with regional states of Africa.

The chairman of WADDANI party discussed with USA foreign official on how to support to Somaliland government the upcoming election to be fair and free.

Peter Lord vice chairman of East Africa and Stacy M. Session is the head of the Somali office stated that USA government is play vital role of the upcoming Somaliland elections as they supported last year.

1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.