Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL ayaa Maanta Furay Kulan Dadweyne oo loo qabtay Xeerka sahaminta Shidaalka

Hargeysa – (WARAOOR) – Guddi Hoosaadka “Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah, wax-soosaarka iyo Tamarta ee Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta kulan hawleed bulseed u qabtay Xeerka Sahaminta iyo soo saarista Shidaalka qaranka. Waxaana kullankan ka soo qayb galay Dadwayne iyo Xildhibaanada Guddida oo uu Guddoominaayo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka, Mudane Mubaarik Muuse Ismaaciil iyo Guddoomiye ku Xigeenka Guddida Mudane Jamaal Cali Aadan “Jaah”,

Dhinaca kale waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta “Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta” Aqoonyahanka Ururada Bulshada ka socday, iyo Masuuliyiin hore iyo Ururadda Rayidka ah ka socday.

Kullankan Dadweyne ayaa waxa ugu horaynba furay Guddoomiyaha Golaha wakiilada “JSL” Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Guddida iyo dadkii ka soo qayb galayba uga Mahadnaqay kuna booriyey inay halkan Xeer Bulshada anfaca ka soo saaraan oo masuuliyad gaara iska saaraan.

Sidoo kale waxa iyaguna madasha ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Mudane Cabdilaahi Cabdi Faarax, iyo Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah, Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Tamarta Mudane Xuseen Cabdi Ducaale “Guray” iyo Agaasimaha waaxda “Macdanta iyo Shidaalka ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta”

Dhamaan Masuuliyiinta ka hadlay furitaanka kulankan, ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda uu Xeerkani qaranka iyo Bulshadaba uu’u leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in hore loo “ansixiyo” si aynu u soo jiidan karno Maalgashadaayaasha Caalamiga ah. iyo Shirkadaha Daneeya arintan.

Kullanka Dadweyne oo socday Maalin dhamaystiran(8:00 Am ilaa 15:30 PM) Kana qabsoomay Huteel Fish and STEAK ee Magaalada hargeysa ayaa gebagebadii Waxa soo xidhaay Guddoomiyaha Gudida Mudane Mubaarik Muuse Ismaaciil isagoo u balanqaaday kasoo qaybgalayaashii kullankan in talooyinkii iyo wax ka Badelkii ay halkan ka soo jeediyeen lagu dabaqi doono Xeerka laguna salayn doono nuqulka Gole weynaha la horgeynayo.

Bahda Warbaahinta Golaha
Wakiilada JSL