Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Booqday Baydhabo

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa maanta maagaaladda Baydhabo safar booqasho ah ugu ambabaxay Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxman iyo Wefti uu hogaaminaayo kuwaasi oo ka qayb-gali doonta xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud Airport Kusoo Dhaweyey Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Cabdicasiis Lafta Gareen, Gudomiyaha Wakiilada Koonfur Galbeed Iyo Masโ€™uliyin Kale

Safarka Guddomiyaha ayaa ah Ka Qeyb Galka Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo La Filayo Maalinta Berri ah Inay Ka Qabsoonto Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay.

Sidoo kale waxaa ku sugan Magaaladda Baydhabo Masuuliyiin ay kamid yihiin Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle, Madaxweyne ku xiggeenka Puntland, guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo ka qeyb gali doona Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Dawlad goboleedka Koofur galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.