Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta ee golaha shacabka

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta ee golaha shacabka.

Kulanka waxaa looga hadlay muranka ka taagan arrimaha Xajka, xaaladaha xabsiyada dalka, sharciyada guddiga ay gacanta ku hayaan iyo qodobo kale.

Guddiga ayaa guddoomiyaha golaha shacabka warbixin ka siiyay halka ay marayaan dadaalada lagu xalinayo khilaafka ka dhashay arrimaha Xajka iyo cabashada xujeyda.

Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiyaha la wadaagay xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista xabsiyada dalka ku xeran iyo xaalada guud ee xabsiyada dalka.

Guddiga ayaa soo bandhigay jadwalka ay ku shaqeynayaan iyo kulamo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiga ku bogaadiyay howsha ay wadaan.

Guddoomiyaha ayaa guddiga faray in si deg deg ah loo xaliyo cabashada xujeyda Soomaaliyeed.

” kulankeena maanta waxa uu ahaa kulan muhiim ah, Xubnaha guddiga waxa kula dardaarmay iney si laba jibaaraan shaqooyinka ay hada hayaa, aad aya ugu qancay warbixinta ay ila wadaageen” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Habdhowraha golaha shacabka Mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux).

Ugu dambeyn guddoomiye Maxamed Mursal iyo guddiga aya si qoto dheer kaga hadlay sharciyada ay diyaarinaya guddiga iyo la xisaabtanka wasaaradaha guddigaan ay shaqada kala dhaxeyso.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.